Xiddig Si Cad U Diiday Ku Biirista Real Madrid, Liverpool Oo Arsenal

Real Madrid ayaa toddobaadkyada soo socda wadahadalo ay Kylian Mbappe oo heshiiskiisu dhacayo xagaaga dambe ka furi doonta Paris Saint-Germain. (90min)

Aston Villa ayaa heshiis cusub oo uu toddobaadkii 200,000 oo pound ku qaadanayo u bandhigtay Jack Grealish si ay uga hor istaagaan Manchester City oo dalab 100 Milyan oo pound ah kasoo gudbisay. (Star)

Manchester United khadkeeda dhexe ee Paul Pogba oo lala xidhiidhinayay PSG ayaa mustaqbalkiisa fog ka dhex arka kooxdaasi balse lama filayo inuu xagaagan wax heshiis kordhin ah sameeyo . (Sky Sports)

PSG tababaraheeda Mauricio Pochettino ayaa sheegay inay kooxdiisu si aamusan uga shaqaynayso suuqa xagaaga balse aan sheegin magaca Paul Pogba oo lala xidhiidhinayo. (Le Parisien, via Metro)

Tottenham ayaa £43 Milyan u bandhigtay Atalanta oo ay ka doonayaan Cristian Romero, kooxda ree Talyaani ayaa u furan inay aqbasho haddii ay hesho wakhti ay bedelkiisa ku keensan karto. (Sky Sports Italia, via Mail)

James Rodriguez ayaa sheegay inuusan hubin haddii uu Everton joogayo balse meesha ka saaray inuu Real Madrid dib ugu biiri doono. (Mail)

Borussia Monchengladbach khadkeeda dhexe ee Florian Neuhaus ayaa wali bar-tilmaameed u ah Liverpool iyo tababare Jurgen Klopp balse Reds ayaan doonayn bixinta 34-ka Milyan ee pound ee heshiiskiisa lagu jabin karo. (Sport1 – in German)

Liverpool ayaa Juventus iyo Arsenal kula biirtay tartanka saxeexa 23 sano jirka ree Talyaani ee Manuel Locatelli oo ka tirsan Sassuolo. (Gazzetta dello Sport, via Mail)

Southampton ayaa dalab 25 Milyan oo pound ah ka diiday Aston Villa oo ka doonaysay khadka dhexe ee James Ward-Prowse. (Athletic – subscription required)

Newcastle United tababaraheeda Steve Bruce ayaa heshiis cusub oo saddex sano ah la siinayaa. (Star)

Chelsea ayaa hoos u dhigaysa qiimaha 40-ka Milyan ee pound ah ee ay ku doonayso weeraryahankeeda Tammy Abraham oo xiiso ka helaya Arsenal, West Ham iyo Aston Villa. (Sun)

Everton ayaan wax go’aan ah ka gaadhin saxeexa daafaca kooxda PSV Eindhoven ee Denzel Dumfries. (Liverpool Echo)

Shaqsiyaad sarre oo ka tirsan Liverpool ayaan meesha ka saarin suurogalnimada ay kula saxeexan karaan Jarrod Bowen. (Star)

Tottenham ayaa tixgelisay inay u dhaqaaqdo weeraryahanka ree Nigeria ee Simeon Tochukwu Nwankwo oo 20 gool oo Serie A ah u dhaliyay kooxda Crotone. (Telegraph, subscription required)

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More