Wararka SUUQA: Man United Oo Siddeed Xiddig Laga Dirayo, Go’aanka

Manchester United ayaa heshiis afar sano ah oo ay sanadka shanaad dookh u leedahay kula saxeexanaysa daafaca Real Madrid ee Raphael Varane balse wakhtiga shaacinta ayaan caddayn sababtoo ah sharciyada karantiinka. (Athletic – subscription required)

Newcastle ayaa riixaysa heshiiska ay Man United kagala saxeexanayso daafaca dhexe ee Axel Tuanzebe oo 23 sano jir ah. (Telegraph)

Juventus ayaa xiisaynaysa inay xagaagan iibiso Aaron Ramsey, 30 sano jirkaas ayay kooxdu u aragtaa mid culays dhaqaale ku ah sababtoo ah mushaharkiisa. (Gazzetta dello Sport, via Mail)

Ben White ayaa la filayaa inuu Arbacada berri ah tijaabada caafimaadka u maro Arsenal oo heshiis 50 Milyan oo pound ah kala gaadhay saxeexiisa kooxda Brighton toddobaadkii hore. (Sky Sports)

Romelu Lukaku ayaa ku faraxsan Inter Milan mana qorshaynayo 28 sano jirkaasi inuu kooxda ka tagi xagaagan walow uu xiiso ka helayo Chelsea. (Express)

Manchester United ayaa diyaar u ah inay dhagaysato dalabaadka siddeed xiddig oo kooxdeeda ah waxaana kamid ah Anthony Martial, Daniel James iyo Phil Jones. (ESPN)

Crystal Palace ayaa ku dhaw heshiiska ay Lyon kagala soo wareegayso daafaca Joachim Andersen oo xilli ciyaareedkii hore Fulham amaah kula joogay. (Evening Standard)

Tottenham ayaa kor u qaadaysa doonisteeda saxeexa daafaca Atalanta ee Cristian Romero oo ay 40 Milyan oo pound ku doonayaan. (Telegraph)

Juventus ayaa u sheegtay Cristiano Ronaldo inay filayaan inuu kooxda sii joogo xilli ciyaareedka cusub walow bixitaan lala xidhiidhinayay. (Sky Sports)

Barcelona ayaan wali wax xidhiidh ah ka helin kooxaha xiisaynaya Antoine Griezmann oo 30 sano jir ah. (Marca – in Spanish)

Xherdan Shaqiri ayaa isha ku haya inuu Liverpool ka tago xagaagan iyadoo kooxaha Napoli iyo Lazio ay yihiin kuwa ku tartamaya saxeexiisa. (Goal)

Arsenal ayaa tixgelinaysa inay u dhaqaaqdo 18 sano jirka garabka weerar ee Matchoi Djalo oo 1 Milyan oo pound lagaga heli karo kooxda Pacos de Ferreira. (Sun)

West Ham ayaa xiisaynaysa inay la saxeexato daafaca ree Denmark ee Jens Styger Larsen oo heshiiskiisa Udinese hal sano ka hadhay laguna heli karo 4.2 Milyan pound. (Football.London)

32 sano jirka ree Austria ee Marko Arnautovic ayaa toddobaadkan gaadhaya dalka Talyaaniga si uu ugu biiro kooxda Bologna oo uu kaga imanayo dhinaca kooxda ree China ee Shanghai Port. (Corriere dello Sport – in Italian)

Leeds United ayaa doonaya inay amaah ku qaataan 21 sano jirka Chelsea ee Conor Gallagher (Leeds Live)

Arsenal goolhayaheeda Alex Runarsson ayaa qaab amaah ah ugu biiraya kooxda Altay inta xilli ciyaareedka ka dhiman. (Football.London)

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More