RASMI: Son Heung-min Oo Heshiis Cusub U Saxeexay Tottenham

Son Heung-min  ayaa heshiis cusub oo afar sannadood ah u saxeex kooxdiisa Tottenham, sida ay Spurs xaqiijisay maanta.

Weeraryahanka reer Koonfur Korea ayaa cimrigiisa ciyaarood u hibeeyey Tottenham, waxaanu maanta si rasmi ah u go’aamiyey in uu sii joogo muddo toban sannadood ah oo kasoo bilaabmaya maalintii uu uga soo wareegay Bayern Leverkusen sannadkii 2015kii.

29 jirkan oo 107 gool u dhaliyey, 64 kalena caawiye ka noqday 280 kulan oo dhamaan tartamada ah oo lixdii sannadood ee uu joogay Tottenham uu u saftay, ayaa soo afjaray hadal-hayn ka taagnayd mustaqbalkiisa, taas oo ku aaddanayd halka uu ka ciyaari doono maaddaama uu qandaraaskiidu dhamaad ku dhowaa.

Kaddib markii uu saxeexay heshiiska cusub ee shanta sannadood soconaya, Son Heung-min ayaa la hadlay warbaahinta, waxaanu yidhi: “Mar horeba sharaf ayay ii ahayd in aan lix sannadood ka ciyaaray halkan, kooxdu wax badan ayay ii muujisay, ixtiraam badan ayay isiiyeen, waanan ku faraxsanahay inaan halkan joogo.

“Waa sidii hoygayga oo kale, khaasatan taageereyaasha, ciyaartoyda iyo shaqaalaha. Ma jirin wax go’aan ah [oo uu ku doonayay inuu kaga tago kooxda]. Way fududayd, waan ku faraxsanahay inaan halkan joogo, waxaana sidoo kale ku farxi doona taageereyaasha.”

Son oo ku guuleystay abaal-marinta goolka ugu qurux badan ee Puskas Award iyo goolka sannadka ee Premier League kaddib goolkii layaabka lahaa ee uu ka dhaliyey Burnley, waxa uu heshiiskiisu yimid xilli ay Tottenham ka walaacsan tahay mustaqbalka Harry Kane oo ay doonayso Manchester City.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More