Man City Iyo Chelsea Oo Barcelona Dhabar Jabinaya, Pogba-ha Cusub Oo

Kooxaha Premier League ee Manchester City iyo Chelsea ayaa si wadajir ah u xiisaynaya khadka dhexe ee kooxda Barcelona ee Ilaix Moriba oo lagu naanayso Paul Pogba-ha cusub.

Moriba ayaa laga saaray safka koowaad ee Barcelona iyadoo Barca B lagu celiyay kaddib markii uu diiday inuu wax heshiis kordhin ah u sameeyo kooxda xilli heshiiskiisii hore yahay mid dhacaya xagaaga dambe ee 2022.

Wargeyska Sport ayaa sheegaya in da’yarkaasi uu ka cadhooday go’aankaas waxaana ay haatan kooxaha Premier League ku tartamayaan soo xero galintiisa.

Chelsea iyo Man City ayaa la fahamsan yahay inay yihiin kooxaha ugu horreeya tartanka loogu jiro Moriba oo sanadkii 2003 ku dhashay dalka Guinea kahor inta uusan Spain u dhaqaaqin.

Kooxda ree London ee Chelsea ayaa loo arkaa mida dhigeeda City kaga gacan sarreysa loolanka Ilaix Moriba iyagoo ay wararka qaar xusayaa inay xataa dalab u gudbiyeen Barca.

Manchester United ayaa la fahamsan yahay inay qaybtii dambe ee xilli ciyaareedkii hore isha ku haysay horumarka uu samaynayo da’yarkaasi, si lamid ah kooxda ree Germany ee RB Leipzig ayaa ah mid kamida kooxo badan oo indho-indhayn ku samaynaya.

City ayaa iyadu dhinaceeda heshiis rasmi ah miiska u saartay Moriba oo uu mushahar ahaan sanadkii 5.2 Milyan pound ku qaadanayo, heshiiska xiddiga ee Barca ayaa ah mid 86 Milyan pound lagu jabin karo.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More