RASMI: Xulka Qaranka Spain Ee Ka Qayb-gelaya Olombikada Tokyo Oo Lagu

Luis de la Fuente ayaa ku dhawaaqay 22ka ciyaartoy ee xulka Spain uga qayb-gelaya tartanka Olombikada ee ka  bilaabmaya magaalada Tokyo ee wadda ka Japan, waxaana ka mid noqday dhawr ciyaartoy oo qayb ka ah tartanka Euro.

Sergio Ramos ayaa la filayay inuu qayb ka noqdo ciyaartoyda xulka Spain ee Tokyo Olympics kaddib markii laga reebay tartanka qaramada Yurub, laakiin tababare Luis de la Fuente  ayaa go’aansaday in aanu 35 jirkani ka qayb-gelin, waxaanu go’aankani niyad-jab ku yahay laacibkan hore ee Real Madrid.

Saddex ciyaartoy oo ay da’doodu ka weyn tahay 23 jir ayaa  lagu soo daray xulka Spain sida uu dhigayo sharcigu, waxaanu tababaruhu u xushay Marco Asensio, Dani Ceballos iyo Mike Merino. Ceballos oo dib ugu soo noqday Real Madrid kaddib amaah uu ugu maqnaa Arsenal ayay da’diisu tahay 24 jir, Asensio iyo Merino ayaa iyaguna min 25 sano jir ah.

Ciyaaryahanadda Spain ee uu xushay tababare Luis de la Fuente  ayaa kulankooda ugu horreeya iskugu imanaya June 30, waxaanay bilaabi doonaan tababarka, laakiin lix ka mid ah oo ka qayb-gelaya Euro ayaan iman doonin.

Xiddigaha qaybta ka ah tartanka Euro ee uu Luis de la Fuente kusoo darsaday liiskiisa waxa ka mid ah Unai Simon, Eric Garcia, Pau Torres, Pedri, Mikel Oyarzabal iyo Dani Olmo.

Sergio Ramos, Borja Mayoral iyo Ferran Torres oo la filayay inay ka qayb ka noqdaan xulka Spain ee Tokyo Olympics ayay warbaahintu ‘layaab’ ku tilmaantay in laga yimaaddo.

Xulka Spain ee ciyaaraha Olambikada ee lagu qabanayo Tokyo

Goolka: Alvaro Fernandez (Huesca), Unai Simon (Athletic Club), Alex Domínguez (Las Palmas).

Difaaca: Oscar Mingueza (Barcelona), Jesus Vallejo (Granada), Eric Garcia (Barcelona), Pau Torres (Villarreal), Oscar Gil (Espanyol), Juan Miranda (Real Betis).

Dhexda: Marc Cucurella (Getafe), Jon Moncayola (Osasuna), Martin Zubimendi (Real Sociedad), Dani Ceballos (Real Madrid), Mikel Merino (Real Sociedad), Carlos Soler (Valencia), Pedri (Barcelona).

Weerarka: Bryan Gil (Sevilla), Marco Asensio (Real Madrid), Dani Olmo (RB Leipzig), Mikel Oyarzabal (Real Sociedad), Rafa Mir (Wolves), Javi Puado (Espanyol).

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More