Ukraine iyo Mareykanka oo bilaabay dhoolatus milatari si lamid ah Ruushka iyo Belarus!

Dowladaha Ukraine iyo Mareykanka ayaa bilaabeen dhoolatus milatari oo wada jir ah, laba maalmood ka dib markii Ruushku bilaabay dhoolatusyo milatari oo wadajir ah oo uu la samaynayo xoogagga deriska la ah Belarus.

Safaaradda Mareykanka ee Kyiv( Caasimada Ukraine) ayaa sheegay in dhoolatusyada degdegga ah ee uu hogaaminayo Mareykanka ee ka dhacaya agagaarka Yavoriv ee galbeedka Ukraine, ay ka qeyb qaadan doonaan ilaa 4,000 oo saraakiil ah oo ka kala socda 10 dal.

Safaaradu waxa sheegtay in laylisyada ay muujinayaan xoogga iskaashiga istiraatiijiyadeed ee Mareykanka iyo Ukraine iyo “ballanqaadka ah in la xoojiyo u diyaarsanaanta jawiga hawlgalka ee adag, taas oo kordhinaysa xiriirka adag ee lagama maarmaanka u ah nabadda iyo xasilloonida.”

Hogaamiye Ukraine Volodymyr Zelenskiy ayaa khudbad uu ka jeediyey furitaankii dhoola tuska ku sheegay in ciidan Yukreeniyaan ah oo casri ah, qalabaysan oo karti leh uu mudnaanta siinayo, ciidankanna ay waajib tahay inuu noqdo dammaanad qaadka horumarka xorta ah ee Ukraine.

Ciidamada Ruushka iyo Belarusiya waxa ay dhoolatus ka bilaabeen gobolka Brest oo u dhaw xadka Belarus iyo Poland Talaadadii. Wakaaladda wararka ee Interfax ayaa soo xigatay wasaaradda gaashaandhigga ee Ruushka oo sheegtay in dhoolatusyadan oo socon doona illaa 25-ka Sebtember, loogu talagalay ujeeddooyin ka hortagga argagixisada oo aan loo jeedin dalal kale.

Xiriirka Kyiv iyo Moscow wuu xumaaday 2014 kadib markii Ruushku uu gacanka Crimea ka soo daray dalkiisa isla markaana taageeray gooni u goosad taageersan Ruushka oo ku sugan gobolka Donbass ee Ukraine.

Xiriirka Ukraine iyo Belarus ayaa xumaaday markii Kyiv bishii hore cambaareysay doorashadii madaxtinimada ee 9-kii Agoosto ka dhacday Belarus mid aan xor iyo cadaalad toona aheyn kadib markii guddiga doorashada ay ku dhawaaqeen Alexander Lukashenko inuu ku guuleystay.

Isagoo wajahaya mudaaharaadyo ballaaran oo ay dhigayaan dibadbaxayaasha oo sheegaya in codbixinta la musuqmaasuqay, Lukashenko, oo diidaya wax isdabamarinta doorashada, wuxuu u dhawaaday saaxiibkii soo jireenka ahaa ee Moscow.

Wakaaladda wararka ee Belarus Belta ayaa soo xigatay isaga oo Arbacadii magacaabaya Ukraine iyo Mareykanka oo ka mid ah dalalkii uu ku eedeeyay abaabulka dibadbaxyada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More