DAAWO Oo Ha Cadhoonin: Sababtii Loo Mamnuucay In Goolhayuhu Gacanta Ku

Goolhayeyaasha ayaa xor u ahaa inay gacanta ku qabsan karaan kubbadaha ciyaartoydiisu usoo laadaan, waxaana ka dhalan jirtay waqti lumis badan, cadho iyo xataa taageereyaasha iyo daawadeyaasha kale oo dhibsan jiray.

Tartankii qaramada Yurub ee Euro 92, waxa uu ahaa midka cadhada ugu badan ka abuurantay, gaar ahaan kulamadii semi-finalka iyo Finalka.

Xulka qaranka Denmark ayaa tartankan ku guuleystay, laakiin sida ay ku qaadeen ayaa ahayd mid madax-xanuun badan reebtay oo dadkii waqtigaas daawanayay aanay illaa hadda illoobin wixii dhacay, sababtuna waa wixii uu sameeyey goolhaye Peter Schmeichel oo waqtigii ugu badnaa lumiyey labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey.

Xeeladda ciyaareed ee uu la yimid Peter Schmeichel ayaa ahayd mid cajiib ah. Waddankiisa ayaa gool la hormaray, waxaana uu waqtigii hadhsanaa oo dhan ku lumiyey baas uu u dhiibto saaxiibkii oo isaga dib usoo celiya, kaddibna uu gacanta ku qabsado ka hor inta aanu haddana dhiibanin baas kale oo haddana dib loogu soo celiyo, kaas oo isla sidii hore uun uu gacanta ugu qabsado.

Peter Schmeichel oo ka mid ahaa goolhayeyaashii ugu wanaagsanaa ee dunida soo maray, gaar ahaan Manchester United, waxa uu dhalay goolhayaha hadda ee xulka qaranka Denmark ee Kasper Schmeichel.

Goolhayahan ayaa cadhada ugu badan waxa uu ku abuuray waddamada France, Netherlands iyo xataa Germany oo ah midka aanu muuqaalka hoose idiinku soo gudbinayno.

Kaddib markii uu Peter Schmeichel dhacdadan sameeyey ee waqti badan uu ka lumiyey France, Netherlands iyo Germany, dalkiisana uu koobka ugu qaaday, xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa mamnuucay xilli ciyaareedkii 1992/93 in goolhayuhu uu gacanta ku qabsan karo kubbad uu saaxiibkii usoo laaday si ku-talogal ah.

Laakiin ka hor intii aanay UEFA qaadanin go’aankan, waxay doodda ah in la joojiyo sharciga ogolaanaya in goolhayuhu gacanta ku qabsado kubbad saaxiibkii usoo laaday ay soo bilaabantay koobkii adduunka 1990kii.

Ugu dambayntii, FIFA ayaa si rasmi ah u shaacisay, in la joojiyey in goolhayuhu gacanta ku qabsan karo kubad saaxiibkii usoo laaday xilli ciyaareedkii 1992-93 ee bilaabmayay markii uu soo dhamaaday tartanka qaramada Yurub.

Halkan kaga bogo muuqaalka Peter Schmeichel ee ficilkii sababay in isbeddel lagu sameeyo sharciga kubadda cagta:

How to win the Euros back in 1992 ? pic.twitter.com/cJrhfSn3fX

— Football Shithousery (@FootyRustling) June 14, 2021

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More