Rooble oo guddi u magacaabay raadinta askartii loo qaaday Er…

Muqdisho (Axadle)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi soo baara cabashada waalidiin Soomaaliyeed ee wiilashoodii tababarka loogu qaaday dalka Eritrea, kuwaas oo tan iyo markii dalka laga dhoofiyey aan laga helin xog sugan.

Guddiga uu ra’iisul wasaare Rooble u magacaabay baaritaanka arrintaan ayaa ka kooban shan xubnood waxayna kala yihiin:

1 – Xasan Xuseen Xaaji wasiirka gaashaandhigga Guddoomiye.2 – Mukhtaar Xuseen Afrax wasiirka arrimaha gudaha Xubin.3 – Danjire Cabdullahi Axmed Jaamac Safiirka Soomaaliya ee dalka Itoobiya Xubin.4 – Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage Taliyaha ciidanka xoogga dalka Xubin.5 – Maxamed Ibraahim Macalimuu Afhayeenka Xukuumadda Xubin.

Tallaabadaan oo ah mid aad muhiim ugu ah waalidiinta Soomaaliyeed ee carruurtooda ku waayey gacanta dowladda ayaa mudo dheer lagula talinaayey inay qaado dowladda, balse hadda ayuu ku dhaqaaqay ra’iisul wasaare Rooble.

Dhawaan waxaa soo xoogeystay warar sheegayey in ciidamo Soomaaliyeed ay ka dagaalameen gobolka Tigray ee dalka Itoobiya, kadib warbixin ka soo baxday hey’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan xuquuqul insaanka oo shaacisay xog ku saabsan arrintaas.

Wixii intaas ka dambeeyey Caasimadda Muqdisho ayaa marti gelisay mudaharaadyo waaweyn oo ay dhigayeen waalidiinta ay ka maqanyihiin carruurtooda, sidoo kale waxaa jira dhalinyaro la sheegay inay kasoo goosteen Eritrea oo lagu soo bandhigay deegaanada Puntland.

Hoos ka akhriso warqadda lagu magacaabay guddiga.

img 20210612 wa0091

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More