Maxaa Ka Rumoobay Saadaashii Supercomputer Ee Xilli Ciyaareedkii

Aston Villa ayaa noqotay kooxda dallacaadda ugu weyn ka samaysay horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League marka loo eego saadaashii Supercomputer ee bilowgii xilli ciyaareedka ee muujinayay boosaska ay kooxuhu ku kala  dhamaysanayaan.

Laakiin Wolves iyo kooxda heerka labaad u degtay ee Sheffield United ayaa noqday kuwa hoos u dhaca ugu weyn ku yimid, sida saadaashaasi sheegaysay.

Dean Smith ayaa kooxdiisa Sheffield United ay wacdaro ka dhigtay horyaalka Premier League xilli ciyaareedkii koowaad ee ay kasoo dallacday heerka labaad, laakiin xilli ciyaareedkii hadda dhamaaday ayay noqdeen kooxda kaalinta ugu hoosaysa kaga  dhamaysatay horyaalka.

Aston Villa, West Ham iyo Newcastle United ayaa guulo waaweyn sameeyey, si weyna uga soo dallacay boosaskii Supercomputer saadaaliyey in ay ka gelayaan horyaalka, iyagoo xilli ciyaareedkii hore si dirqi ah kaga badbaaday in ay u laabtaan Championship.

Villa ayaa ku dhamaysatay kaalinta 11aad, waxaanay toddoba kaalmood ka sarraysaa halkii la saadaaliyey, halka Wolves ay iyaduna hoos u dhacday shan darajo iyadoo gashay 13aad iyadoo saadaashu muujinaysay in ay siddeedaad soo geli doonto.

West Ham United ayaa usoo baxday tartanka Europa League iyadoo kaalinteedii ugu wanaagsanayd ka gashay horyaalka Premier League tan iyo xilli ciyaareedkii 1998kii, isla markaana soo gashay lixaad.

Leeds United oo sagaalaad ka gashay miiska kala-sarraynta horyaalka Axaddii lasoo gabogabeeyey ayaa saddex darajo kor usoo kacday, waxaase hoos u dhacay Tottenham iyo Arsenal oo min laba darajo hoos u galay miiska kala-sarraynta horyaalka.

Halkan kaga bogo saadaashii Supercomputer ee bilowgii xilli ciyaareedka ee ay ku sheegeen halka ay koox waliba kaga dhamaysan doonto horyaalka.

(+ waxay muujinaysaa darajooyinka kooxdu sare uga soo kacday kaalintii loo saadaaliyey)

(– waxay tilmaamaysaa inta kaalmood ee ay kooxdu hoos uga dhacday booskii la filayay)

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More