Lewandowski=>Chelsea, Kane=>Man Metropolis, Haaland=>Tottenham Iyo Wararkii

Suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga ayaa furmi doona horraanta bisha June ee foodda innagu soo hayso, waxaana haddaba lasii helayaa xogta xiddigaha ay kooxaha waaweyn isku dayi doonaan in ay lasoo saxeexdaan.

Wargeysyada waaweyn ee Yurub ayaa si joogto ah usoo bandhiga wada-hadallada, qorsheyaasha iyo xanta suuqa, waxaana maanta oo Arbaca ah qodobbadii ugu waaweynaa ee ay qoreen ka mid ahaa:

Chelsea ayaa xidhiidh la samaysay Bayern Munich oo ay ka doonayso weeraryahanka reer Poland ee Robert Lewandowski oo 32 jir ah, lana sheegayo inuu doonayo in kooxdaas uu ka tago, laakiin Chelsea ayaa tartan kala kulmaysa PSG iyo Barcelona. (Sky Sports activities Germany)

Weeraryahanka reer England ee Harry Kane ayaa la filayaa in uu £100 milyan oo Euro ugu wareego Manchester Metropolis xagaagan, kaddib markii uu kooxdiisa u sheegay in uu doonayo inuu iska tago. Manchester United ayaa sidoo kale raadinaysa 27 jirkan iyadoo Spurs ay ku adkaysanayso in aanay ka iibin doonin kooxda reer London ee Chelsea. (Mirror)

Kane waxa uu doonayaa in uu dhamaystiro u wareegidda koox cusub ka hor inta aanay bilaabmin ciyaaraha  qaramada Yurub ee Euro 2020 ee June 11 bilaabmi doona, balse taas ayaa u muuqata mid aan suurtogal ahayn. (Guardian)

Tottenham waxay bishii February isku dayday in ay lasoo saxeexato weeraryahanka reer Norway ee Erling Braut Haaland oo 20 jir ah, waqtigaas oo ay ogaatay qorshaha Kane ee ah inuu tegayo. (Mail)

Tababaraha Manchester United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa diiday in uu meesha ka saaro in kooxdiisu ay xagaagan lasoo saxeexanayso weeraryahn inkasta oo ay dhowaan heshiis cusub oo sannad ah ka saxeexeen Edinson Cavani oo 34 jir ah. (Purpose)

Liverpool waxay wada-hadallo heshiis kordhin ah la furtay goolhaye Alisson Becker oo 28 jir ah iyo laacibka khadka dhexe ee Fabinho oo 27 jir ah, waxaanay qorshaynaysaa in heshiisyada waqti kordhinta la dhamaystiro ka hor inta aan la gaadhin bisha July. (Mail)

Tababarihii hore ee Chelsea ee Frank Lampard oo 42 jir ah ayaa lagu soo warramayaa in ay wada-hadallo u socdaan Crystal Palace oo uu ka beddelayo Roy Hodgson oo shaaciyey inuu ka tegayo. (Talksport)

Tababaraha Everton ee Carlo Ancelotti ayaa u sheegay in ciyaartoy kasta oo aan kooxda  ku faraxsanayn uu iska tegi karo, waxaanu sidoo kale hoos u dhigay wararka sheegaya in uu beddelayo Zinedine Zidane oo uu tababare ka noqonayo Actual Madrid. (Guardian)

Actual Madrid waxay weydiisay halyeygeedii hore iyo weeraryahankii hore ee Spain ee Raul oo 43 jir ah, in uu beddeli karayo Zidane oo uu diyaar u yahay shaqada tababarenimo ee kooxda koowaad. (AS)

Florentino Perez ayaa ogsoon in rajadii kooxdiisa ee ahayd in ay lasoo saxeexdaan Kylian Mbappe oo 22 jir ah, ay khatar geli doonto haddii uu Zidane ka tago Santiago Bernabeu, sidaas darteedna wuxuu isku dayi doonaa in ZIZOU uu ku qanciyo inuu sii joogo. (Eurosport)

32 jirka garabka weerarka uga ciyaara Arsenal ee Willian ayaa doonaya in uu ka tago Gunners oo uu u guuro waddanka Maraykanka, kuna biiro kooxda David Beckham ee Inter Miami. (Solar)

Barcelona ayaa u ogolaan karta goolhayaha reer Brazil ee Neto in uu iska tago xagaagan, waxaana 31 jirkan lala xidhiidhinayaa Arsenal. (Mundo Deportivo)

Tottenham ayaa dalab ka gudbisay difaaca kooxda  Borussia Monchengladbach iyo xulka qaranka Germany ee Matthias Ginter, laakiin waxa 27 jirkan kula tartamaya Liverpool iyo Inter Milan.(Bild)

Chelsea waxay doonaysaa laacibka khadka dhexe uga ciyaara Atalanta ee Ruslan Milinovsyi oo 28 jir ah, kaas oo ay sidoo kale doonayaan Inter Milan yo Paris St-Germain. (Solar)

Blues waxa kale oo ay xiise u muujinaysaa Maxence Lacroix oo 21 jir u dhashay Faransiiska oo difaaca uga  ciyaara Wolfsburg. (Sky Germany)

Arsenal ayaa dalab £17.2 milyan oo Gini ah ka gudbisay kubbad-sameeyaha reer Norway ee Sander Berge, laakiin Sheffield United ayaa dalbanaysa ugu yaraan £25.8 milyan oo Gini. (London.Soccer)

Liverpool waxay danaynaysaa Pedro Goncalves oo ah 22 jir u dhashay Portugal oo khadka dhexe uga ciyaara Sporting Lisbon. (File)

Arsenal waxa lagaga adkaaday tartanka loogu jiro 18 jirka khadka dhexe ee Eduardo Camavinga oo u ciyaara xulka qaranka France, ayna raadinayaan kooxo waaweyn oo ay ugu horreyso Actual Madrid. (Specific)

Lazio ayaa wada-hadallo meel fiican maraya kula jirta  difaaca Talyaaniga ee Danilo D’Aambrosio oo 32 jir ah, kaas oo heshiiskiisa Inter Milan uu ku eg yahay dhamaadka xilli ciyaareedkan. (Tuttomercato).

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More