“Iska Iibi Cristiano Ronaldo, Waxa Uu Caqabad Ku Yahay…..” – Taladii

Tababarihii hore ee kooxda Juventus ee Massimilano Allegri ayaa la sheegayaa inuu mulkiilaha kooxdiisii hore ee Andrea Agnelli kula taliyay inuu iska iibiyo hoggaamiyaha kooxda ee Cristiano Ronaldo oo uu u arkayay mid isagu kooxda caqabad ku ah.

Sida uu sheegayo wargeyska Talyaaniga ah ee La Repubblica, Allegri ayaa ku yidhi mulkiile Agnello “Ka takhalus Ronaldo, isagu waxa uu caqabad ku yahay koritaanka kooxda (Ciyaaryahanadda) iyo kooxda oo dhan”

Juventus ayaa ahayd mid toddoba horyaal oo xidhiidh ah kusoo guuleysatay markii ay la saxeexatay Ronaldo waxaana ay doonaysay oo ay muhiimadeeda koowaad ahayd inuu gaadhsiiyo heerka xiga oo ah inay Champions League ku guuleystaan.

Ronaldo oo hadda xilli ciyaareedkiisii saddexaad ku qaadanaya Allianz Stadium ayaa laba horyaal Serie A oo kale kula soo guuleystay balse ku fashilmay inuu Champions League markiisii lixaad shaqsiyan kula guuleysto.

Warbixinta wargeyska ayaa sheegaysa in hammigii Bianconeri ee ahaa inay sameeyeen “Saxeexii qarnigu” uu isku bedelay inay kooxda oo dhammi maxbuus u noqoto Ronaldo.

Heshiiska Cristiano Ronaldo ee Juve ayaa ah mid dhacaya sanadka dambe ee 2022, wargeyska CalcioMercato ayaa sheegaya in 36 sano jirkaasi uu dhammaadka xilli ciyaareedkan la kulmi doono madaxda kooxda oo uu mustaqbalkiisa kala hadli doono.

Sida CalcioMercato lagu sheegay, Juventus ayaa diyaar u ah inay macasalaamayso oo ay iska fasaxdo Ronaldo laakiin waxa jira caqabado dhawr ah oo kahor taagan.

Ugu horreynba ma jiraan wax dalabaad xoogan ah oo Ronaldo laga soo gudbiyay ilaa hadda halka ay sidoo kale jirto caqabad dhinaca canshuurta ah oo Ronaldo ku qasbaysa inuu joogo maadaama oo uusan faa’idada cashuurta ee uu ku haysto Talyaaniga meel kale ku heli doonin.

Your browser does not support the audio element.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More