Khuraafaadka Uu Aaminsan Yahay Gareth Bale: “Cirfiidku Wuu Jiraa 100%,

Gareth Bale ayaa daboolka ka qaaday khuraafaad uu aaminsan yahay in ay jiraan, waxaanu dunida kaga yaabsaday waxyaabo uu sheegay in uu indhihiisa ku arko.

Laacibka reer Wales oo waraysi siinayay xiddiga ay isku kooxda ay Tottenham ka wada tirsan yihiin ee Joe Rodon oo sidoo kale ay isku reer Wales yihiin, ayaa waxa uu daboolka ka qaaday waxyaabo ay suurtogal tahay in aad kula yaabto, amaba adigan akhrisanaya warbixintu aad rumaysan tahay oo aad ku raaci karayso laacibkan.

Waraysigan oo laga sii daayey barta YouTube-ka Tottenham, ayaa waxa Bale lagu weydiiyey arrimo badan, waxaana su’aashii ugu horreysay ee la weydiiyey ay ahayd, haddii uu jiro ‘Cirfiidku’, waxaanu ku jawaabay: “Arrintan in badan ayaan ka hadalnay. Anigu ma odhanayo ma jiraan, mana doonayo in aan abuuro muran, mana diidani in aanay jirin.”

Rodon ayaa ka dalbaday Bale in uu kala saaro haddii uu isagu rumaysan yahay in uu jiro iyo in aanu jirin, waxaanu ku jawaabay: “Hubaashii, anigu waxaan aaminsanahay in uu jiro ‘Cirfiidku’.”

Suxuunta wareegta (UFO) ayaa sidoo kale la weydiiyey haddii ay yihiin wax jira, waxaanu ku jawaabay: “Waxa jira sheekooyin badan oo iska hor imanaya, waxaana jira sawirro laga qaaday Suxuunta wareegta oo ay baahisay dawladda Maraykanku.”

Rodon ayaa u jawaabay oo sawirrada uu Bale daliilka ka dhigtay ku sheegay ‘been abuur’.

Gareth Bale ayaa sheekadan kusii dheeraaday, waxaanu yidhi: “Way jiraan, boqolkiiba boqol cirfiidku wuu jiraa. Boqolkiiba boqol. Waxa jiray muuqaallo daawasho ah oo lasii daayey.”

 

Your browser does not support the audio element.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More