Bruno Fernandes Oo Magacaabay Arrin Fudud Oo Haddii Ay Sameeyaan Ay

Xiddiga Manchester United ee Bruno Fernandes ayaa magacaabay hal arrin oo fudud oo loo baahan yahay in ay sameeyaan ciyaartoyda kooxdu xilli ciyaareedka dambe, si ay ugu guuleysan karaan horyaalka Premier League.

Manchester United ayay ugu dambaysay horyaalka oo ay ku guuleysato sannadkii 2013kii oo ahayd xilli ciyaareedkii ugu dambeeyey ee Sir Alex Ferguson uu maamulay, intii ka dambaysayna waxay ahaayeen kuwo ka qatan.

Ole Gunnar Solskjaer ayay kooxdiisu xilli ciyaareedkan ku jirtaa kaalinta labaad oo ay u badan tahay in ay ku dhamaysan doonto kaddib guushii ay ka gaadheen Brighton, iyagoo afar dhibcood ka horreeya Leicester City oo ku soo xigta, waxaanay taasi damaanad u siinaysaa in ay si toos ah uga soo qayb-geli doonaan Champions League.

Inkasta oo ay 14 dhibcood ka dambeeyaan Man City oo hoggaaminaysa horyaalka, haddana waxay United rumaysan tahay in ay fiican tahay marka loo eego kooxaha kale ee horyaalka kula jira.

Si kastaba, Bruno Fernandes ayaa ka hadlay sida ay Manchester United horyaalka ugu guuleysan karayso iyagoo ogsoon in Man City ay muujinayso awoodda ay dhibcaha intaas le’eg hoggaanka kaga hayso.

Waraysi uu siiyey majaladda FourFourTwo ayuu Fernandes ku sheegay, in kooxdiisu ay horyaalka ku guuleysan karto xilli ciyaareedka dambe, haddii ay la yimaaddaan hammi guuleed iyo naftooda oo ay ka dalbadaan in ay guul gaadho.

“Waa in aanu kulamada ku guuleysano.” Ayuu si fudud u yidhi isagoo sharraxaya sida ay ugu guuleysan karayaan horyaalka, waxaanu intaa ku daray: “Way adag tahay England, sababtoo ah ciyaaruhu way adag yihiin. Koox kastaaba waxay haysataa fursad ay ciyaarta ugu guuleysato. Kulan kasta fursaduhu waa 50/50, waxaanaynu aragnaa natiijooyinka.

“Laakiin wax fiican ayaanu qabanaynaa. Ma lumin karno dhibco ka badan inta aanu hoygayaga ku luminay, balse waxa aanu haddana ku jirnaa kaalinta shanaad, bilowgii xilli ciyaareedkana waxa jiray dad badan oo lahaa ‘United waxay gelaysaa kaalinta labaad’.”

Fernandes oo sharraxaya sida ay horyaalka ugu guuleysan karayaan, waxa uu yidhi: “Waanu ognahay waxa aanu annagu dhexdayada isku nidhaahdno, waxaananu ku kalsoonahay in waxyaabahaas aanu horumar ka samayn doono. Waxa aanu ahaan doonaa United tii wanaagsanayd intii karaankayaga ah.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More