SAADAASHA Afarta Kooxood Ee PL Ee Champions League Usoo Baxaya,

Shabakadda ka faaloota arrimaha kubadda cagta ee FiveThirtyEight ayaa samaysay saadaasheeda kooxaha ku dhammaysan doona afarta kaalmood ee ugu sarreeya Premier League xilli ciyaareedkan 2020-21 iyadoo koox kasta iyo fursada ay haysato boqoley (Percentage) ku qiimaysay.

Aan ku bilawnee FiveThirtyEight ayaa booska koowaad sida qofkasta filan karo siisay Manchester City oo loo saadaalinayo inay ku guuleysan doonto horyaalkeedii saddexaad ee PL ah mudo afar sano gudaheed ah.

Sidoo kale shabakadda ayaa kaalinta labaad u hibaysay Manchester United oo iyada qudheedu u muuqata mid ugu yaraan meel saaratay ku dhammaysiga booska 2-aad ee horyaalka.

Arrinta xiisaha leh ayaa ah in saadaashu ay sheegayso in xilli ciyaareedkii labaad ee xidhiidh ah aysan Leicester City lumin doonin fursada ay ugu dhammaysanayso afarta sarre isla markaana ay markan booska 3-aad ee ay joogto xoraysan doonto.

Kaalinta afraad oo ah halka uu loolanka ugu badani ka dhacayo isla markaana ay Chelsea, West Ham United iyo Liverpool hadda ka,liya 2 dhibcood u dhaxeeyaan iyadoo waliba West Ham kulanka caawu baaqi u yahay ayay shabakadda FiveThirtyEight u saadaalisay inay Liverpool ku dhammaysan doonto,

FiveThirtyEight ayaa aaminsan in Reds oo hadda laba dhibcood ka dambaysa Blues ay booska afraad ka qaadi doonaan kooxda tababare Thomas Tuchel.

Kooxda tababare Mikel Arteta ee Arsenal oo aan la filayn inay xataa Europe League usoo baxdo haddana booska 10-aad ee kala sarreynta joogta ayay saadashu siisay qiimayn 1% ah inay ugu soo bixi karto afarta kaalmood ee sarre.

Halkan Kaga Boggo Saadaasha FiveThirtyEight & Fursada Koox Kasta

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More