DEG-DEG: Real Madrid Oo Ku Dhawaaqday Liiska Kooxdeeda Ee Kulanka

Tababaraha kooxda Real Madrid ee Zinadine Zidane ayaa ku dhawaaqay liiska xiddigaha kooxdiisa uga qayb qaadanaya kulanka adag ee ay habeen dambe gegida Alfredo Di Stefano kusoo dhawayn doonaan kooxda difaacanaysa Premier League ee Liverpool.

Xulashada tababare Zidane ayuu kusoo baxay da’yarka khadka dhexe ee Federico Valverde kaas oo kor u qaadaya dookhyada khadka dhexe ee kooxdiisa walow uu dhaawac ku maqnaa kulamadii ugu dambeeyay.

Warka aan u fiicnayn Los Blancos ayaa ah in Zidane uu go’aansaday inuu reebo Eden Hazard oo saaka tababarka la qaaday xiddigaha kale ee kooxdiisa, sidoo kale sidii la filayay waxaa ka dhex maqan Sergio Ramos oo isagu dhaawacmay.

Liiska Oo Dhammaystiran

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More