XASAASI: Xog Cusub Oo Kasoo Korodhay Xaalada Dhaawacii Eden Hazard &

Garabka weerar ee kooxda Real Madrid ayaan wali kasoo kaban dhaawacii ugu dambeeyay ee gaadhay balse wararka ayaa sheegaya inuu kahor tagi karo kooxda Liverpool kulanka UEFA Champions League ee toddobaadkan.

Tababare Zinadine Zidane ayaa ah mid sugaya haddiiba uu Hazard taam u noqon doono ciyaartaas muhiimka ah ee ka tirsan wareega siddee dhammaadka Champions League, Real ayaa galaysa toddobaad muhiim u ah xilli ciyaareedkeeda oo dhan.

Kaddib marka ay Liverpool la ciyaaraan kulankaas CL ka ah toddobaadkan maalmo kaddib ayay ciyaar La Liga ah oo muhiim ah kahor tagi doonaan Barcelona kahor inta aysan haddana Liverpool marti u noqonin lugta labaad.

Hazard ayaa ahaa mid dhaawac kasoo laabtay kahor kulamadii caalamiga ahaa balse haddana dhaawac cusub ku seegay kulankii Atalanta ee Champions League isaga oo awoodi waayay inuu xulkiisa Belgium metelo.

Tababaraha xulka lagu naanayso Red Devils ee Roberto Martinez ayaan xiddiga 100-ka Milyan ee pound ah xataa u balan-qaadi karin inuu ka qayb galayo tartanka euros walow uu ahaa mid aad u niyad san.

Si kastaba, Zidane oo kaddib guushii ay kooxdiisu shalay ka gaadhay Eibar saxaafada la hadlay ayaa sheegay inuu ku rajo weyn yahay inuu xiddigo dhawr ah dib u helo.

Zizou ayaa yidhi “Waxaan ku rajo weynahay inaanu Valverde iyo Hazard dib u heli karno, waxaynu eegi doonaa berri iyo saadambe, maanta macquul may ahayn laakiin waxaan rajaynayaa inay Salaasada nala joogi karaan”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More