Manchester United Oo Laba xiddig Oo Muhiim Ah Waayeysa Kulamada

Manchester United ayaan heli doonin adeegga ciyaareed ee xiddiga reer France ee Anthony Martial kulanka Brighton kaddib markii uu laacibkan dhaawac kasoo gaadhay jilibka xilli uu u ciyaarayay xulka qaranka France.

Anthony Martial ayaa laga saaray ciyaartii Faransiisku 2-0 ku garaacay Kazakhstan ee isreeb-reebka Koobka Adduunka, waxaanu gebi ahaanba ka maqnaa kulankii Arbacadii ay 1-0 kaga badiyeen Bosnia-Herzegovina.

Tababare Didier Deschamps ayaa hoos u dhigay halista dhaawaca Martial oo uu ku tilmaamay mid aan khatar badan lahayn, laakiin wargeyska L’Equipe ee kasoo baxa Faransiiska ayaa daboolka ka qaaday in laacibkani aanu ciyaari doonin kulanka Manchester United ay Axadda kula ballansan tahay Brighton ee  horyaalka Premier League.

Wargeysku waxa uu sheegay in 25 jirkan oo dhowaan kasoo kabtay dhaawac muruqa misigta u dhow ah, in aanu diyaar u noqon karaynin ciyaarta Brighton, sidoo kalena ay yar yihiin fursadaha uu ku ciyaari karayo kulanka Granada ee lugta hore ee wareegga siddeedda tartanka Europa League.

Warkan ayaa dhibaato weyn ku ah Ole Gunnar Solskjaer oo sidoo kale uu ka dhaawacan yahay Mason Greenwood oo isagana la filayo inuu seego kulanka Brighton.

Manchester United oo ka dhibaataysan afka hore, gool-dhalinteeduna si aad ah hoos ugu dhacday ayay adag tahay sida ay kaga maarmi karto Martial iyo Greenwood kulanka Brighton, laakiin waxa la filayaa in labadooduba ay taam u noqon doonaan ciyaarta Tottenham ee April 11.

Inkasta oo qaab ciyaareedkiisu uu ka hooseeyo sidii laga filayay, haddana Martial waxa uu xubin muhiim ah ka yahay Old Trafford.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More