Kaddib Ciqaabtii Gianluigi Buffon, Saddex Xiddig Oo Kale Oo Juventus

Saddex ka mid ah ciyaartoyda Juventus ayaa Arbacadii ka qayb-galay xaflad baadhiyeyn ah iyagoo jabiyey sharciga xakamaynta xanuunka Korona ee ay soo rogtay dawladda Talyaanigu, waxaana ciqaab marsiiyey booliska dalkaas.

Paulo Dybala, Arthur Melo iyo Weston McKennie ayuu boolisku ku riday ganaaxyo iyadoo loo haysto in ay ixtiraami waayeen, jabiyeenna xayiraadaha xakamaynta xanuunka.

Xafladdan oo uu abaabulay McKennie, laguna qabtay gurigiisa oo ku yaalla meel u dhow magaalada Turin ee ay ka dhisan tahay Juventus ayaa waxa ka qayb-galay dad ay tiradoodu u dhaxaysay 10 illaa 20 qof, waxaana shaqsiyaadkaas ka mid ahaa Paulo Dybala iyo Arthur Melo oo ay wehelinayeen qoysaskoodu.

Sida ay warbaahinta Talyaanigu sheegtay, booliska ayaa yimid guriga McKennie iyadoo xafladdu socota kaddib markii ay soo waceen dadka deriska la ah oo la wadaagayy xogta xilli ay saacaddu ku beegnayd 23:30 CET, waxaana dadkii goobta joogay ay sidaas ku mutaysteen ganaaxyo uga yimid booliska.

Arrintan oo dhacday saddex maalmood ka hor ciyaarta adag ee Turin-derby ee Juventus iyo Torino ee Sabtida ayaa waxay dhibaato iyo halis ku tahay badqabka ciyaartoydan iyadoo xanuunkuna aad u faafayo.

Andrea Pirlo oo lasii murugaysan guul-darrada kualnkii ugu dambeeyey kooxdiisa kasoo gaadhay Benevento ayaa ciyaartoydiisa  u diyaarinaya sidii ay jidka guusha ugu soo laaban lahaayeen, si ay ugu dhowaadaan Inter Milan oo toban dhibcood ka horreysa, hal ciyaar ahina baaqi u tahay.

Juventus oo ku guuleysatay Supercoppa Italia ayaa laga cidhib-tiray taranka Champions League wareeggii 16ka, waxaana fursadda kaliya ee ay koob ugu guuleysan karayaan xilli ciyaareedkan ay tahay Coppa Italia oo finalka ay wada ciyaari doonaan Atalanta.

Old Lady ayaa sidoo kale la filayaa in ay dhinaceeda ciqaabto Paulo Dybala, Arthur Melo iyo Weston McKennie maadaama ay jabiyeen xayiraadaha xanuunka.

Maalintii shalay ayaa ganaax hal ciyaar ah lagu riday goolhaye Gianluigi Buffon oo aflagaadeeyey diinta, waxaanu seegi doonaa kulanka Torino ee Sabtida.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More