Kylian Mbappe Oo Go’aan Cad Ka Gaaray Ciyaaraha

Kylian Mbappe ayaa xaqiijiyay inuusan ciyaari doonin ciyaaraha Olimbikada Adduunka isagoo doonaya inuu dhinac u rido mustaqbalkiisa kooxeed.

Xiddiga PSG ayaa ah xiddiga hogaaminayta xulka Faransiiska waxaana lala xiriirinayay inuu qeyb ka noqonaya xulka France ee ka qeyb galaya ciyaaraha Olimbikada xagaagan.

Laakiin weeraryahanka ayaa meesha ka saarat inuu u safri doono magaalada Tokyo oo martigelineysa ciyaaraha Olimbikada isagoo sheegay inuu dhameystiri doonto talaabada xigta ee mustaqbalkiisa kooxeed.

PSG ayaa u bandhigtay 22 jirkaan qandaraas cusub xilli ay xiiseynayaan kooxaha Real Madrid, Liverpool iyo Manchester City.

Mbappe ayaa ku wargeliyay xiriirka kubada cagta Faransiiska inuusan diyaar u aheyn inuu ka qeyb qaato tartanka Olimbikada Adduunka ee xulkiisa madaama uu xagaaga ku mashquulayo inuu dhinac u rido mustaqbalkiisa kooxeed sida ay sheegtay jariirada France ka soo baxda ee Le Parisien.

Weeraryahanka ayaa ka mid ah xiddigaha ugu waa weyn dunida kubada cagta, waxaana lagu iibsan doonaa lacag rikoodhka adduunka ah haddii uu ka tago PSG.

Mbappe ayaa ku jira sannadkii afaraad ee qandaraaskiisa garoonka Parc des Princes, wuxuuna ku guuleystay koob walba oo maxali ah oo lagu guuleysan karo.

Koobka Champions League ayu u hanqal taagayaa taasoo saameyn ku yeelan doonta go’aanka mustaqbalkiisa ee uu gaarayo xagaaga.

Xaqiiqda inuu u sheegay xiriirka kubada cagta Faransiiska inuu mustaqalkiisa go’aan ka gaari doono xagaaga ayaa shaki weyn gelineysa inuu baaqi ku sii ahaan doono PSG.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More