Taliyaha ciidanka ilaalada deegaanka Xamar oo Qarax..

Taliyaha ciidanka ilaalada deegaanka Xamar G/le Sare Maxamed Carabow Cali ayaa ka badbaaday Qarax miino oo sabtida maanta lagula eegtay Wadada Nasiib Buundo Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir.

Inta la xaqiijiyay Ilaa saddex ruux ayaa ku dhaawacantay qaraxa oo lala eegtay gaari Toyota Hilux ah oo Soomaalida u taqaan (Qooqan), waxaana loo qaaday Goobaha Caafimaadka sida Axadle ay kasoo xigatay ilo wareedyo.

Goobta uu qaraxa ka dhacay oo kala qaybisa Degmooyinka Shibis & Kaaraan waxaa gaaray Ciidamada ammaanka Soomaaliya oo sameeyay baaris ay ku raadinayaan dadka ay ku tuhmayaan miinada la dhigay laamiga.

Hay’adaha ammaanka Dowladda Federaalka weli kama aysan hadlin, mana jirto cid ilaa hada sheegatay masuuliyada weerarka.

23-kii Janaayo 2021, qarax ka dhacay meel aan sidaas uga fogeyn isla goobta waxaa ka ku dhaawacmay labo Xildhibaan oo katirsanaa Baarlamaanadii ka horeeyay kan sida KMG ah howsha u haya, waxaana ka dhashay dhimasho & dhaawac.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More