TOP 10: Tobanka Xiddig Khadka Dhexe Ee Abid Ugu

Halyeeyga Barcelona Andres Iniesta ayaa loo magacaabay xiddigii khadka dhexe ee ugu fiicnaa abid kubada cagta isagoo kaalinta koowaad ka galay halyeeyga Jarmalka Lothar Matthaus iyo saaxiibkiisii Barcelona Xavi Hernandes.

36 jirka khadka dhexe ee reer Spain ayaa inta badan waayihiisa ciyaareed wuxuu ku qaatay Camp Nou isagoo isfaham weyn la sameystay Xavi.

Iniesta oo haatan kabtan u ah kooxda reer Japan ee Vissel Kobe ayaa kor u qaaday sagaal koob oo La Liga ah, afar Champions League, lix Copa del Rey iyo lix Spanisha Super Cup.

Wuxuu sidoo kale koobab ku qaaday masraxda Adduunka isagoo Spain la qaaday koobabkii Qaramada Yurub ee 2008 iyo 2012 iyo sidoo kale Koobkii Adduunka ee 2010.

Shabakada Sportskeeda ayaa u magacowday Iniesta xiddigii abid ugu fiicnaa khadka dhexe dunida iyagoo ku amaanay aragtidiisa, baasaskiisa iyo weliba qaab ciyaareedkiisii guulaha u horseeday Barca iyo xulka Spain.

Xiddigii khadka dhexe ee Jarmalka ee ku guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or sannadkii 1990 ayaa kaalinta labaad soo galay halka Xavi oo haatan tababare ka ah kooxda reer Qatar ee Al Sadd uu soo galay kaalinta 3aad.

Halyeeyada Premier League ee Steven Gerrard, Paul Scholes iyo Frank Lampard ayaa iyagana soo galay 10ka xiddig khadka dhexe ee abid ugu fiicnaa dunida.

Halkaan hoose ka eeg qiimeynta Sportskeeda ee 10ka xiddig khadka dhexe ee abid ugu fiicnaa.

10. Frank Lampard

9. Johan Neeskens

8. Luka Modric

7. Steven Gerrard

6. Paul Scholes

5. Andrea Pirlo

4. Didi

3. Xavi

2. Lothar Matthaus

1. Andres Iniesta

Maxay kula tahay qiimeyntaan? Yaa ka maqan? Miyuu Iniesta mudan yahay kaalinta 1aad?

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More