Ii Keena!! – Cristiano Ronaldo Oo Magaca Benzema

Weeraryahanka hoggaanka u ah kooxda Juventus ee Cristiao Ronaldo ayaa la sheegayaa inuu wadahadalo la yeelanayo madaxda sarre ee kooxdiisa isla markaana uu wato hal codsi oo muhiim ah.

Ronaldo ayaan doonayn inuu meesha ka saaro suurogalnimada uu xagaaga kaga tagayo Juventus isaga oo ku laaban kara mid ahaan kooxihiisii hore ee Real Madrid iyo Man United amaba Paris Saint-Germain.

Juventus ayaa la fahamsan yahay inay doonayso inay sii haysato hantideeda ugu qaalisan balse waxa macquul ah inay aqbasho dalab qiimaha saxda ah lagaga soo gudbiyo Ronaldo maadaama oo ay doonayaan inay isku dheeli tiraan dhaqaalahooda kahor xilli ciyaareedka 2021-22.

Sida lagu sheegay wargeyska La Gazzetta dello Sport, Ronaldo ayaa go’aan kasta oo mustaqbalkiisa ah dib ugu dhigaya dhammaadka xilli ciyaareedka, xiddiga Portugues-ka ah iyo maamulka Juventus ayaa qorshaystay inay xagaaga ka wada hadlaan mustaqbalkiisa iyo saxeexyada ay samaynayaan.

Heshiiska Ronaldo ee Juve ayaa ah mid dhacaya dhammaadka xilli ciyaareedka dambe laakiin kooxda ayaan meesha ka saarayn fursada ay heshiis cusub ugu bandhigayso walow ka hadhitaankoodii Champions League ay saamayn weyn ku yeelanayso.

Si kastaba, wargeyska La Gazzetta ayaa shaaca ka qaaday sheeko kale oo xiiso leh kaddib markii uu xusay in Ronaldo uu kooxdiisa ka doonayo saxeexa xiddig leh calaamadaha iyo hab ciyaareedka Karim Benzema.

Ronaldo ayaan si toos ah kooxda uga dalban saxeexa Benzema oo muhiim u aha gool dhalintiisa markii ay Real Madrid wada joogeen balse u sheegay inuu doonayo xiddig ay isku ciyaar yihiin dhaliyaha Los Blancos.

Fursada ugu fiican ee ay Juventus koob u haysato xilli ciyaareedkan ayaa ah ku guuleysiga Coppa Italia, xataa haddii ay koobkaas kooxdu qaado markii ugu horreysay tan iyo 2018 haddana uguma filnaan doono Andrea Pirlo inuu ka dhigo xilli ciyaareed guul ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More