Aas-aaska Jaamacadda Carabta oo maanta laga joogo

22-kii Maarso 1945-tii ayaa la aasaasay Ururka Jaamacadda Carabta oo ku bahoobay dalal dhaca Qaaradaha Afrika & Aasiya si ay isaga kaashadaan wax isu qabashada iyo garab istaagga dalkii dhibaato la kulmo ama Khatar gala.

Magaalada Qaahira ee Xarunta Jamhuuriyadda Carabta Masar ayaa lagu aasaasay Ururkaan oo ay xubnaha ka yihiin Dalalka kala ah: 1-Algeria, 2-Bahrain, 3-Comoros, 4-Djibouti, 4-Egypt, -5-Iraq, 6-Jordan, 7-Kuwait, 8-Lebanon, 9-Libya, 10-Mauritania, 11-Morocco, 12-Oman, 13-Palestine, 14-Qatar, 15-Saudi Arabia, 16-Somalia, 17-Sudan, 18-Syria, 19-Tunisia, 20-United Arab Emirates & 21-Yemen.

Fikradda Aas-aaska ururkaan waxa uu ka yimid: Saudi Arabia, Lebanon, Yemen, Boqortooyadii Jordan, Egypt, Iraq, Jamhuuriyadda Syria, is xog-warreysi kadib waxa ay go’aan ku gaareen in ay tagaan Magaalada Qaahira oo ugu dambeyn looga dhawaaqay.

Ahmed Aboul Gheit, Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta ayaa fariin uu soo diray ugu Hambaleeyay dalalka xubnaha ka ah ururkaan munaasabadda 76-sano guurada laga joogo aas-aaska, isaga oo u rajeeyay nabadgalyo & barwaaqo.

Jaamacadda Carabta ujeedka loo dhisay Malaga sal-gaaray?

Waa su’aal mudan in la is weydiiyo, maadaama Ururkaan uu dhisan yahay 76-sano, waqtigii la dhidbayay ujeed ayaa laga lahaa, haddaba Malaga sal-gaaray maxayse ahayd danta laga lahaa in la isku keeno dalalka xubnaha ka ah?

Sawirka maalintii lagu dhawaaqay Jaamacadda Carabta 22-Maarso-1945

Madaxdii Carabta ee aasaastay ururkaan 1945-kii waxa ay ku doonayeen in uu xaliyo arrimaha Dhaqaalaha, Kobaca dalalka hooseeya, xalinta murranada waddamada xubnaha ah, difaaca & ka war-qabka dhibaatooyinka heysta.

Marka la eego ujeedkaas oo la barbardhigo dhibaatooyinka ka muuqda Dalalka xubnaha ka ah ururkaan waxaa lagu sifeyn karaa in ujeedkii laga lahaa la baalmaray ciddii doonta haka dambeyso ama haloo tiiriyee.

Warbaahinta Carabta sida Masar Yoom & Al-Qudus Al-Carabi ayaa maqaallo kala duwan oo kala nuxur fog ku cabiray isbar-bardhigga rabitaanka madaxdii Carabta ee aas-aastay Ururkaan & kuwa maanta jooga oo ka door-biday in ay xal ka sugaan ururo kale.

Soomaaliya waxa ay Ururka Jaamacadda Carabta ku biirtay 14-kii Febaraayo 1974-kii oo ku beegneed 14-sano kadib markii xornimada qaadatay, waxaana ka dambeeyay dalal kale sida Falastiin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More