Howlgal ka dhacay Gobolka Gedo oo lagu qabtay Dad lagu

Hay’adaha ammaanka DFS ayaa howlgal qorsheysan ka sameeyay Degmooyin dhowr ah oo katirsan Gobolka Gedo si ay uga jawaabaan weeraro habeennadii lasoo dhaafay ka dhacay Gobolkaas.

Askarta ayaa si gaar ah uga howlgashay Deegaanno hoostaga Degmada Luuq ee Gobolka Gedo oo ay kasoo qabteen dad ay ku tuhmayaan in ay qayb ka yihiin Al-Shabaab, isla markaana baaris ay ku hayaan.

Taliyaha Nabadsugida Degmada Luuq ee Gobolka Gedo Muqtar Maxamed Xasan ayaa sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa sugidda amniga Degmada & Deegaannada kale ee hoostaga si wax looga qabto falalka ammaanka liddiga ku ah.

Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo waxaa sidoo kale ka dhacay howlgal lagu qabtay shaqsiyaad la tuhmayo in ay katirsan Al-Shabaab, inkasta oo qaarkood lasii daayay kadib markii ay mareen baaris kooban.

Xarunta Gobolka Gedo waxaa fadhiga labaad ee loo qorsheeyay in lagu qabto Doorashada Kuraasta Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana gacanta ku haya Ciidamada ammaanka Dowladda Soomaaliya & askar kale oo horay ay uga qaaday Muqdisho.

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More