Barcelona Oo Go’aan Kaga Nixisay Man United, Laba

Maalin wanaagsan akhristayaasheena sharafta leh meel kasta oo aad dunida ka joogtaan. Suuqii iibka ciyaartoyda ee xagaagii waxa uu xidhmay horraanta bishii October, waxaana dhowaan la sugayaa inuu furmo suuqa waqtiga jiilaalka ee bisha January oo muddo kooban ay kooxuhu u heli doonaan inay kaga soo faa’iidaystaan.

Kooxaha dhaawacyadu ragaadiyeen amaba doonaya inay helaan xiddigo ka caawiya xallinta dhibaatooyinkii ay soo arkeen qaybta hore ee xili ciyaareedka ayaa suuqa geli doona, sidoo kalena ciyaartooyo heshiisyada kooxahoodu dhamaad yihiin ayaa la kala jiidan doonaa oo lala soo wareegi doonaa, halka qaarkoodna heshiisyo hordhac ah lala sii gaadhi doono.

Sidii aad horeba nooga barateen, waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa si joogto ah, wararkii ugu dambeeyey suuqa iibka ciyaartoyda ee ay qoreen wargeysyada waaweyn ee Yurub iyo xanta hoose ee aan wali bannaanka usoo bixin ee sida sirta ah ay jaraa’idku uga heleen kooxaha ee la xidhiidha suuqa.

Haddaba, waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa wararkii ay saaka oo Jimce ah qoreen wargeysyada waaweyn, waxaana xuquuqda wararkan iska leh isla wargeysyada aanu kasoo xiganay oo aanu magacooda war walba ku hor qornay.

Arsenal iyo Liverpool ayaa isha ku haya saxeexa 24 sano jirka khadka dhexe ee Brighton iyo xulka Mali ee Yves Bissouma. (Talksport)

Daafacyada Chelsea ee Antonio Rudiger iyo Fikayo Tomori ayaa labaduba doonaya inay baxaan suuqa January, Rudiger ayaa xilli ciyaareedkan hal kulan oo horyaalka ah kusoo bilawday halka Tomori uusan wali hal ciyaar oo tartan ah metelin 2020-21. (ESPN)

Weeraryahanka ree France ee Olivier Giroud ayaa sheegay inuu doonayo inuu xilli ciyaareedkan ku dhammaysto Chelsea balse uu u baahan yahay wakhti ciyaareed badan si uu uga qayb qaato tartanka Euro xagaaga dambe. (Telegraph – subscription required)

Tottenham Hotspur, Everton iyo Atletico Madrid ayaa dhammaantood wada doonaya saxeexa 26 sano jirka weeraryahanka ah ee Napoli ee Arkadiusz Milik. (AS)

Newcastle United ayaa doonaysa da’yarka garabka daafac ee Man United ee Brandon Williams oo aan hal kulan ugu soo bilaaban horyaalka xilli ciyaareedkan Red Devils. (Star)

Barcelona ayaa wadahadalo heshiis kordhin ah la bilawday Ousmane Dembele iyagoo go’aankaas kaga nixiyay Manchester United oo saxeexiisa xiisaynaysa. (ESPN)

Wayne Rooney ayaa wali xiisaynaya inuu si rasmi ah ula wareego shaqada tababarenimo ee Derby County oo uu hadda kumeel gaadh u hayo walow lala xidhiidhinayo jagadaas saaxiibkiisii hore ee England ee John Terry. (Goal)

Arsenal waa inay lasoo saxeexato garabka weerar ee Crystal Palace ee Wilfred Zaha sida uu qabo goolhayihii hore ee kooxdaas ee David Seaman oo saddex Premier League iyo afar FA Cup la qaaday Gunners. (Evening Standard)

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More