Bilowgii Askarta Mareykanka ee soo gelista Soomaaliya oo

Waxaa u dhimanaa labo bil oo keliya, waxa uu qaatay go’aan uu Soomaaliya ugu soo dirayo Ciidamo gaaraya 28,000 oo ah kuwa Badda, sababtu ugu weyn ee go’aankaas dhalisay waa xaaladda Soomaaliya oo aan hagaagsaneen.

4-ta December 1992-dii, Madaxweynihii 41-aad ee Mareykanka ayaa qaatay go’aan qaraar oo ciidamo ugu soo diray Soomaaliya si loo badbaadiyo dalkaan dhaca geeska Afrika oo 1991-kii waayay nidaamkii Dowladda.

George Herbert Walker Bush ayaa caalamka u bidhaamiyay in aan laga indha-qabsan Karin xaaladda bani aadamnimo, macluusha & isku dhacyada Beelaha ee Soomaaliya si loo gacan qabto, isla markaana aysan u noqon Dal Fashilmay.

Waaxda difaaca waxa uu ku wargeliyay fulinta tallaabada Ciidamada Ameerikaanka ah ee Soomaaliya loosoo diray 28-sano kahor maanta oo kale, si ay u gacan qabtaan maatada lagu dul dagaalamayay.

Taageero xooggan ayuu Bush ka helay Waaxda Difaaca & Bill Clinton oo ah Madaxweynihii 42-aad ee Mareykanka, kadib markii uu qaatay go’aan qaraar balse natiijo wanaagsan u muujiyay Soomaaliya.

Bush oo Teleefishinka qaranka Shacabka kala hadlay ayaa yiri “Waxa aan fahamsanahay in Mareykanka oo keliya uusan sixi Karin qalalaadka adduunka, balse waxa aan xusuusta ku jirta in la’aanta Mareykanku aan xal gaari Karin, doorashadeena go’aankaan waxa uu lagama maarmaan u yahay gacansiinta bulshada quruumaha”.

Madaxweynihii 41-aad ee Mareykanka Waa uu sii hadlay waxa uuna yiri “Mareykanka oo keliya, adduunka oo dhan in la dhigo ciidan fara badan si amniga loo sugo si loo badbaadiyo kumanaan aan waxba galabsan oo qarka u saaran dhimasho, Qorshaheenu ma ahan in aan ku nagaano Soomaaliya sida kooxaha dagaalamaya, balse waa in aan dadka & dhulka badbaadinaa si aysan u dhicin musiibooyin sida cunno la’aan iyo garabsiinta Shacabka gaajeysan”.

Askarta Ameerikanka ayuu sheegay in aysan noqon doonin kuwa ku milma iska hor imaadka siayaasadeed, sidoo kale ay ka fogaanayaan in la bartilmaameesado ama iyaga la ugaarsado, balse howlgalkooda keliya uu yahay Bani aadamnimo.

2-dii January 1993 Madaxweynihii 41-aad ee Mareykanka George Herbert Walker Bush ayaa Kormeer ku tagay Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho & Baydhabo, waxaana xiligaas ku sugnaa Askar aad u badan.

Balse taasi ma dhicin, maadaama Mareykanka 3-dii Oktoobar 1993-dii uu duqeyn ka geystay Gudaha Muqdisho, waxaana qudhiisa laga dilay 18-kamid ah Ciidamadiisa, halka lasoo riday labo kamid ah Diyaaradiisa dagaalka.

Dick Cheney xoghayaha difaaca Marekanka & Gen. Colin Powell ayaa wadajir ugu baaqay in ciidamada Ameerikaanka ah ay baaqi ku ahaadaan Xeryaha Ciidan ee dhanka Xeebta ah sida aysan u saameyn isku dhacyada Beelaha.

Howlgalka Uma fulin Si wanaagsan!

Marka dib loo eego xusuusta ficilka ay sameeyeen Ciidamada Mareykanka, dhimashada, dhaawaca & carada loo qaaday ma ahan wax wanaagsan, waana tan keentay in xitaa Hogaamiyaha Mareykanka ee xiligaas loogu baaqo in uu shaqada ka tago.

Les Aspin oo ahaa Xoghayaha Difaaca ee Cilinton ayaa loosoo jeediyay in uu si kale u dhigay ujeedka howlgalka, kadib markii Askarta Ameerikaanka ay dhiig ka keentay dad rayid ah, halka iyagana ay waayeen Xorriyadii socodka.

15-kii December, Clinton ayaa ku dhawaaqay in Aspin uu isu casilay sababtaas, ugu dambeyn Mareykanka ayaa go’aansaday in uu ciidankiisa ka saaro Soomaaliya, iyaga oo xambaarsan guuldarro, cadawtooyo & dhabar jab xooggan oo bar madow ku noqotay.

Isha: Politico / Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More