Waa Kuwan Labada Xiddig Ee Muhiimka Ah Ee Real Madrid Ka

Kooxda difaacanaysa horyaalka La Liga ee Real Madrid ayaa la xusayaa inay kulanka adag ee Sevilla ka maqnaan doonaan kabtankeeda Sergio Ramos iyo daafaca midig ee Dani Carvajal.

Warbixin uu soo saaray wargeyska ree Spain ee Marca ayaa sheegaysa sida ay labada daafacba hubaal u maqnaan doonaan ciyaarta Sevilla ay booqanayaan Sabtida balse ay isha ugu hayaan kulanka Champions League ee Borussia Monchengladbach.

Labada xiddig ayaa ah kuwo labaduba si keli keli ah tababar u qaadanaya wakhtigan, walow la filayo inay soo laaban doonaan mustaqbalka dhaw haddaba ciyaarta Sevilla ayaa ku noqonaysa mid deg-deg ah.

Real Madrid ayaa dhawaanahan aad uga soo dhibtoonaysay booska daafaca gaar ahaan kulamada uu ka maqan yahay Sergio Ramos.

Los Blancos ayay kuu muujinaysaa sida ay ugu jabaan 34 sano jirkaas in laga badiyay toddoba kamida sagaalkii kulan ee ugu dambeeyay Champions League ee uu ka maqnaa.

Iyadoo heshiiska Ramos ee Estadio Santiago Bernabeu uu yahay mid dhacaya dhammaadka xilli ciyaareedkan oo uu isaguna 35 sano jirsan doono bisha March, Madrid ayaa ka fikiraysa nolol Ramos la’aan ah iyo sida ay ula qabsan karaan.

Sergio ayaa ah mid ay doonayaan kooxo Premier League ah si lamid ah kooxda ree France ee Paris Saint-Germain oo iyada la sheegay inay lacag kasta u ogoshahay haddiiba uu kooxdeeda u wareegayo.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More