Maxaa ka jira in madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe

Wararka ka imaanaya magaalada Baledweyne ee harunta gobolka Hiraan ayaa sheegaya in safar uu maanta ku tagi lahaa madaweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen uu uga baaqday xiisad ka jirta duuleedka magaalada Baledweyne halkaasoo ay ku sugan yihiin ciidamo hubeysan oo kasoo horjeeda maamulka Hirshabeelle.

Hogaamiyaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa lagu waday inuu maanta oo isniin ah ka dago garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee  magaalada Baledweyne si loogu Caleema saaro xaro xarunta gobolka Hiiraan.

Hase yeeshee Maleeshiyaad hubaysan oo la baxay ‘Dhaqdhaqaaqa hubeysan ee Golaha Samata Bixinta Hiiraan’ ayaa shalay iyo xalay kulamo fashil ku dhamaaday waxaa deegaanka Ceelgaal kula qaatay masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan, waxa ayna ku goodiyeen in aysan ogolaanay in maamulka Hirshabeelle ku shaqeeyo Hiiraan.

Saraakiisha hoggaaminaysa Maleeshiyaadka ayaa sheegay in ay dagaal ku soo qaadi doono bartamaha magaalada Baledweyne haddii uu soo gaaro Cali Guudlaawe oo ah madaxweynaha cusub ee Dowlad-goboleedka Hirshabeelle.

Janaraal Abuukar Xuud oo kamid ahaa musharaxiintii ka hartay tartanka Hogaamiyaha Hirshabeelle ee doorashadii sanadkaan ayaa hogaaminaya maleeshiyaadka diidan in Hogaamiyaha Maamulka Hirshabelle Cali Guudlaawe ka dago Beledweyne sida ay xaqiijiyeen saraakiish amaanka.

Hogaamiye ku xigeenka aan wali la caleema saarin ee Hirshabeelle Axmed Yuusuf Hagar Daba-geed ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaaladda Baladweyne isaga oo kulamo looga hadlayay amaanka la qaaday saraakiil ka tirsan ciidanka Howlgalka Midoga Afrika ee sugan Baladweyne.

Dowlad-goboleedka Hirshabeelle oo lagu dhisay qaab deg deg badan ka muuqday ayaa waxaa dhaliilay siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolka Hiiraan oo uu ka midyahay madaxweynahii hore ee Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More