TOP 10: Tobankii Goolhaye Ee Ugu Wanaagsanaa England, Halka Uu Kaga
Waa kuma goolhayihii ugu wanaagsanaa taariikhda xulkaqaranka England, halkee ayuu se Jordan Pickford kaga jiraa? Waa su’aal sababtay in dib loogu noqdo illaa qarnigii 20aad, si loosoo ururiyo xogta goolhayeyaashii ugu fiicnaa ee Ingiriiska soo maray.
- Advertisement -
Jordan Pickford oo ah goolhayaha xulka qaranka England ee hadda, isla markaana bandhig fiican ka sameeyey tartanka Euro oo hal gool oo kaliya laga dhaliyey, ayaa sabab u ahaa in qiimayntan la sameeyo, iyadoo lasoo xulay 10kii laacib ee ugu wanaagsanaa marka laga eego tirada kulamada uu shabaqiisa ilaashaday, inta uu saftay iyo goolasha laga dhaliyey.
Jordan Banks oo ka mid ahaa xiddigihii Ingiriiska u qaaday Koobkii Adduunka 1966kii ayaa kaalinta koowaad ku jira, waxaaana badbaadintii uu sameeyey ay qayb ka qaadatay guushii dalkiisa ee illaa hadda aanay mar kale gaadhin. 73 ciyaarood oo uu u saftay ayaa waxa uu shabaqiisa nadiif ka dhigtay 35 kulan oo aan wax goolal ah laga dhalin, halka 57 gool laga dhaliyey intii uu dalkiisa u ciyaarayay.
Halkan kaga bogo 10kii goolhaye ee ugu wanaagsanaa taariikhda England, si gaar ahna u akhri xogta Jordan Pickford:
1) Gordon Banks
73 kulamada uu saftay57 goolasha laga dhaliyey35 kulamada uu shabaqiisa nadiifta ka dhigay
10) Paul Robinson
41 kulamada uu saftay22 goolasha laga dhaliyey24 kulamada uu shabaqiisa nadiifta ka dhigay
9) David James
53 kulamada uu saftay46 goolasha laga dhaliyey21 kulamada uu shabaqiisa nadiifta ka dhigay
8) Nigel Martyn
23 kulamada uu saftay18 goolasha laga dhaliyey12 kulamada uu shabaqiisa nadiifta ka dhigay
7) Joe Hart
75 kulamada uu saftay48 goolasha laga dhaliyey43 kulamada uu shabaqiisa nadiifta ka dhigay
6) Jordan Pickford
36 kulamada uu saftay28 goolasha laga dhaliyey18 kulamada uu shabaqiisa nadiifta ka dhigay
5) Chris Woods
43 kulamada uu saftay25 goolasha laga dhaliyey27 kulamada uu shabaqiisa nadiifta ka dhigay
4) Ray Clemence
61 kulamada uu saftay54 goolasha laga dhaliyey27 kulamada uu shabaqiisa nadiifta ka dhigay
3) David Seaman
75 kulamada uu saftay44 goolasha laga dhaliyey40 kulamada uu shabaqiisa nadiifta ka dhigay
2) Peter Shilton
125 kulamada uu saftay80 goolasha laga dhaliyey66 kulamada uu shabaqiisa nadiifta ka dhigay
1) Gordon Banks
73 kulamada uu saftay57 goolasha laga dhaliyey35 kulamada uu shabaqiisa nadiifta ka dhigay