Isniin, September, 9, 2024 (AX) - Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta si adag uga hadlay xiisaddii dhawaan ka dhalatay taageeradii reer Koonfur Galbeed u muujiyeen joogitaanka ciidamada Itoobiya.
Hogaamiye Laftagareen ayaa ugu horeyn ku tilmaamay ceeb iyo wax laga xumaado hadaladii kasoo yeeray reer Muqdisho, islamarkaana ay ahayeen kuwa kala dhantaalaya midnimada shacabka Soomaaliyeed.
“Hadii ay Soomaalinimo jirto reer Koonfur-galbeed ayey ka bilaabataa, Muqdisho waxa…