Qaramada Midoobay oo Soomaaliya ugu hambalyeysay kursiga golaha amniga
Jimco, Juun, 7, 2024 (AX) - Qaramada Midoobay ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeysay xubinimada Soomaaliya ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay 2025-2026.“Soomaaliya waxay soo martay waddo dheer soddonkii sano ee la soo dhaafay iyadoo ku socotay waddadii nabadda, barwaaqada, iyo amniga. Doorashada kursi ka mid ah golaha ammaanka waa aqoonsiga horumarkaas la mahadiyo,” ayuu yiri ku-simaha ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan."Waaya-aragnimada…