Browsing Tag

dhawaad

Hantidhowrka Guud ee Qaranka oo shaaciyay in ku dhawaad 21 Milyan oo doolar ka maqan tahay qasnada dowladda

 Talaado, Luulyo, 2, 2024 (AX) - Hantidhowrka guud ee Qaranka Soomaaliya Axmed Ciise Guutaale ayaa shir jaraa'id oo uu maanta ku qabtay magaalada Muqdisho kaga hadlay baaris ay ku sameeyeen laba xafiis oo ka mid ah hay'adaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya.Guutaale ayaa sheegay in baaris fatash ah oo lagu sameeyay xafiisyada ruqsada shaqada shaqaalaha shisheeyaha ee wasaaradda shaqada, arrimaha bulshada iyo adeegga kordhinta dal ku jooga shisheeyaha ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda, lagu ogaaday iney ku kaceen falal…

Ku dhawaad 30 xubnood oo Al-shabaab looga dilay duqeyn ka dhacday Galgaduud

 Isniin, Juun, 17, 2024 (AX) - Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa saaxiibada Caalamka ayaa Xalay duqeyn dhanka cirka ah ka fuliyay deegaano ku yaala xadka ay wadaagaan gobolada Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe.Duqeynta dhanka cirka ah ayaa lala beegsaday goobo ay ku sugnayeen xubno ka tirsanaa kooxda Al-shabaab oo watay gaadiid isugu jira kuwa dagaalka iyo kuwa Xamuulka qaado.Howlgalkaan duqeynta ah ayaa si gaar ah uga dhacay inta u dhaxeysa deegaanada Xawaal xoreey iyo Raage Bariir, waxaana lagu…

Ku dhawaad 10 qof oo ku geeriyooday dagaal beeleed ka dhacay waqooyiga gobolka Galgaduud

Isniin, April, 29, 2024 (AX) - Ku dhawaad 10 qof oo dhinacyadii dagaalamayay ah ayaa ku geeriyooday, in ka badan 15-kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaal beeleed ka dhacay degaan katirsan waqooyiga gobolka Galgaduud. Maleyshiyaadka dagaalamaya oo kasoo kala jeeda Cabudwaaq iyo Xeraale, ayay dirir xooggani ku dhexmartay degaanada miyiga ah ee waqooyiga Galgaduud, waxayna dirirtooda salka ku haysaa aano qabiil iyo muran la xiriira dhinaca deegaanka. Ciidamo katirsan maamulka Galmudug ayaa kala dhex galay labada maleyshiyo…

Amniga xeryaha ciidamada Uganda oo aad loo adkeeyay ku dhawaad sanad kadib weerarkii Buulomareer

 Jimco, April, 26, 2024 (AX) - Amniga Xeryaha ciidamada Uganda ee Soomaaliya ayaad aad loo adkeeyay, iyadoo ay dhow dahay sannad guuradii koowaad ee weerarkii Buulomareer ee lagu dilay 54 kamid ah ciidanka Uganda.Weerkaas ayaa sababay in ciidamada Uganda ay weli maskaxda ku hayaan digniin kasta oo ay helaan taliyeyaashooda inay si degdeg ah uga jawaabaan.Labo kamid ah saraakiishii ugu sarraysay xerada ciidanka Buulomareer ayay Uganda ka eriday shaqada, ka dib markii lagu eedeeyay inay iska indho tireen xogo la helay oo…

Ka Badan 100 ka tirsan kooxda Al-shabaab oo lagu dilay howlgal ka dhacay gobolka Mudug

Khamiis, April, 25, 2024 (AX) - Xukumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa Sharaaxdey ka bixisay howlgal culus oo maanta oa dhacay dhulka howdka ah ee ku yaala deegaanka Tabar mooge oo qiyaas ahaan 28 KM dhanka Waqooyi kaga beegan degmada Xarardheere ee gobolka Mudug. Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya lagu sheegay in howlgalka oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo kuwa saaxiibada Caalamka lagu dilay in ka badan 70 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-shabaab oo isku aruursanaayay deegaankaas.…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More