Browsing Tag

Ceeldheer

Meydadka xubno ka tirsan Al-shabaab oo laga helay nawaaxiga degmada Ceeldheer

 Talaado, Juun, 11, 2024 (AX) - Ciidamada dowladda fedaraalka Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka oo labadii maalin ee lasoo dhaafay howlgalo ka dhan ah kooxda Al-shabaab ka waday deegaanada hoostaga magaalada Ceeldheer ayaa soo bandhigay meydadka xubno hor leh oo ka tirsan Shabaabkii weeraray Sabtigii Ceeldheer.Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in meydadka ilaa 10 xubnood oo ka tirsanaa Al-shabaabkii weeraray Sabtigii degmada Ceeldheer in laga helay nawaaxiga…

Yaasiin Faray: Alshabaab labo jiho ayay kasoo weerareen degmada Ceeldheer, waxayna kala kulmeen jab xooggan

 Axad, Juun, 9, 2024 (AX) - Taliyihii hore ee hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ee NISA, Xildhibaan Yaasiin Farey ayaa sheegay, in Alshabaab ay jab xooggan kala kulmeen dagaalkii ay shalay subax kusoo qaadeen degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.Yaasiin Farey, ayaa sheegay, Alshabaab inay labo jiho kasoo weerrareen degmada Ceeldheer, hase ahaatee wxuuu sheegay in aysan u suurto galin inay kasoo gudbaan labo farriisin oo ay ciidamada dowladda iyo kuwa macaawisleyda ku lahaayeen labo jiho oo kamid duleedka…

Xukumadda Fedaraalka oo shaacisay tirada Al-shabaab looga dilay weerarkii Ceeldheer

 Sabti, Juun, 8, 2024 (AX) - Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu faahfaahiyay khasaaraha ka dhashay weerarkii aroornimadii hore ee saakay ka dhacay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.Weerarka oo ahaa mid qaraxyo ku bilaawday oo kooxdu ku qaaday fariisimo ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ku leeyihiin magaalada Ceeldheer ayaa dowladda Fedaraalka guulo la taaban karo ka sheegatay.Warsaxafadeedka kasoo baxay dowladda Fedaraalka ayaa lagu sheegay in weerarka saakay khasaare xoog…

Xukumadda oo faahfaahin hordhac ah ka bixisay khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo ka dhacay Ceeldheer

 Sabti, Juun, 8, 2024 (AX) - Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa la sheegay in saakay jab xooggan gaarsiiyeen xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab oo aroortii hore ee saakay weerar qaraxyo ku bilaawday kula jarmaaday degmada Ceeldheer.War kooban oo kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in ciidamada iskaashanaya ay kasii war hayeen weerarka kooxda Al-shabaab, taasina ay keentay in khasaare xoog leh la gaarsiiyo kooxda.Qoraalka kasoo baxay dowladda Fedaraalka ayaa lagu sheegay in…

Faahfaahino kasoo baxay dagaal culus oo saakay ka dhacay magaalada Ceeldheer

 Sabti, Juun, 8, 2024 (AX) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar xoogan oo aroornimadii hore ee saakay kooxda Al-shabaab ku qaaday magaalada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.Kooxda ayaa ugu horeyn ku weerartay fariisimo gudaha magaaladaasi ay ku leyihiin ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka qaraxyo xoogan, waxaana xigay dagaal toos ah oo lasoo wariyay in labada dhinac uu halkaas ku dhexmaray ku dhawaad 2 saacadood oo xiriir ahaa.Wali si rasmi ah looma ogaan karo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More