Browsing Tag

adag

Guddiga xal u raadinta dagaal beeleedka Waqooyiga Galgaduud oo soo saaray amaro adag

Isniin, Juun, 10, 2024 (AX) - Xubnaha guddigan uu dhawaan magacaabay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo ka kooban heer wasiiro ah, islamarkaana loo xilsaaray daminta colaad beeleed khasaare badan geysatay ayaa soo saaray amaro cusub.Amarada ay soo saareen guddiga ayaa dhamaan quseeya dagaal beeleedkii dhawaan ka dhacay deegaanka Laandheere ee u dhaxeeya magaalooyin Caabudwaaq iyo Xeraale ee gobolka Galgaduud oo inta la xaqiijiyay ay ku dhinteen in ka badan 50 ruux.Wasiirka Warfaafinta maamulka Galmudug…

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo xukun adag ku riday xubin ka tirsanaa Al-shabaab

 Arbaco, Juun, 5, 2024 (AX) - Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun adag ku riday Maxamuud Maxamed Macalin oo lagu helay inuu ka tirsanaa kooxda Al-shabaab.Maxamuud Maxamed Macalin oo loo yaqaano Karaama ayaa Maxkamadda ciidamada ku xukuntay 8 sano oo xabsi ciidan ah, kaasoo ay sheegtay Maxkamadu inuu kooxda Al-shabaab u qaabilsana uruurinta lagcagaha baadda ah oo ay ka qaado reer Muqdisho."Eedeysane Maxamuud, ayaa argagixisada u aruurin jiray lacagaha baadda ah, isaggoo Khawaarijta u gudbin…

Maxkamadda gobolka Banaadir oo xukun adag ku riday 70 jir lagu helay maalgelinta Al-shabaab

Mogadishu (AX) - Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa xukun adag ku riday nin oday ah oo 70 sano jir ah, kaasoo lagu helay dambiyo la xariira lacag dhaqis iyo maalgalinta kooxda Al-shabaab.70 jirkaan oo lagu magacaabo Cali Xuseen Isxaaq ayey maxkamadda gobolka Banaadir ku xukuntay 7 sano xarig ah iyo ganaaxa lacag dhan $3,000 oo dollar.Ninkaan la xukumay ayaa Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ku soo eedeeyey in akoonkiisa gaarka ah kooxda Al-shabaab loo marsiiyey lacag dhan nus milyan dollar.Dambiyada 70 jirkaan oo ay…

Hogaamiye ku xigeenka Hirshabeelle oo si adag uga hadlay khilaafka iyo tabashada reer Hiiraan

 Axad, May, 12, 2024 (AX) - Hogaamiye ku xigeenka maamulka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo Shalay gaaray magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa ka hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin khilaafka mudada dheer u dhaxeeya reer Hiiraan iyo maamulka Hirshabeelle.Yuusuf Dabageed ayaa sheegay in khilaafka reer Hiiraan ay ka qabaan jiritaanka maamulka Hirshabeelle inuu saameyn balaaran ku yeeshay horumarka Hirshabeelle, isagoona xusay in haatan loo baahan yahay in la dhameeyo khilaafka.“Waxaan idiin…

Ururka iskaashiga Islaamka oo mar kale si adag uga horyimid heshiiska Itoobiya iyo Gobaladda Waqooyi

Sabti, April, 4, 2024 (AX) - Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), ayaa mar kale diiday tallaabo kasta oo ka dhan ah Qaranimada Soomaaliya, gaar ahaan heshiiskii is-faham ee dhexmaray Itoobiya iyo maamulka Gobaladda Waqooyi.Wasiirradu waxay isugu yimaadeen shir loogu diyaar-garoobayo kal-fadhiga shan iyo tobnaad ee Shir-madaxeedka Iskaashiga Islaamka oo ka dhacay caasimadda Gambia ee Banjul, intii u dhaxaysay May 2 - 3, iyadoo hal-ku-dhigga shirkaas uu ahaa "Xoojinta Midnimada iyo Wadajirka iyada…

Taliyaha Hay’adda Nabadsugida oo si adag uga hadlay dagaal beeleedyada iyo isbaarooyinka la dhigto

Sabti, April, 27, 2024 (AX) - Taliyaha hay'adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa si adag uga hadlay dagaal beeleedyada kusoo noqnoqday xadka gobolada Hiiraan iyo  Shabeellaha dhexe iyo isbaarooyinka la dhigto.Taliyaha hay’adda Nabadsugida ayaa ugu horeyn ka hadlay dagaal beeleedyada soo laablaabtay, isagoo nasiib daro weyn ku tilmaamay dagaalka u dhaxeeya dadka walaalaha ah ee wada dega labadaas gobol.“Waan ka xunahay waxa meeshaan ka dhacaayo qof Soomaali ah…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More