Midowga Afrika oo xaqiijiyay in la isku dayay in $6 milyan lagala baxo akoon ay ku leeyihiin Bangi kuyaala Addis Ababa
Khamiis, May, 2, 2024 (AX) - Ururka Midowga Afrika ayaa qirtay in la isku dayay in lacag dhan 6 milyan oo dollar lagala baxo akoonka ay ku leeyihiin bangiga ganacsiga ee Itoobiya (CBE) oo ku yaala magaalada Addis Ababa, balse uu fashilmay isku daygaasi.Waa bayaankii ugu horreeyay oo rasmi ah oo Midowga Afrika uu ku qirto wararka isku daygaas fashilmay. Midowga Afrika waxa uu sheegay in ay ka xun yihiin falkaas.15kii Abriil, ayay ahayd markii amarro kala wareejin ah loo gudbiyay Bangiga Ganacsiga ee Itoobiya, laantooda ku…