Soomaalida iyo Canfarta waxay iska dileen in ka badan 100

Gobolka Sitti ee dowlad deegaanka Soomaalida, waxaa ka dhacay dagaal u dhexeeya Soomaalida iyo Canfar, kaasoo sababay dhimasho, dhaawac iyo barakac xilli ay xaalad aad u daran oo bani’aadamnimo iyo caafimaad ka jirtay gobolka.

Wasiirka warfaafinta ee dowlad deegaanka Soomaalida ayaa sheegay in maleeshiyada Canfarta ay weerareen dad rayid ah oo u badnaa caruur iyo haween, laakiin iska caabinta dhalinyarada gobolka Sitti ay ku dileen 25 kamid ah kuwii Canfarta ee weerarka soo qaaday.

Wuxuu ku eedeeyay Canfarta inay si gardara ah uga talaabeen soohdinta labada qowmiyadood kadib isku dhacyo dhowr ah oo labada dhinac ku dhex maray deegaanka.

Saraakiisha gobolka Sitti ayaa sheegay in guud ahaan 100 qof ay ku dhinteen iskahorimaadka tiro intaa ka badana ay ku dhaawacmeen.

Wasiirka warfaafinta ee dowlad deegaanka Soomaalida iyo taliye ku xigeenka booliska ee dowlad deegaanka Canfarta oo labaduba la hadlay wakaalada wararka ee Reuters ayaa qirey in ay jiraan dhimasho labada dhinac ah, inkasta oo labada dhinacba ay iska fogeeyeen bilowga dagaalka. .

Dowladda federaalka ee Itoobiya ayaa mashquul ku ahayd dagaalka ka socda gobolka Tigreega, halkaasoo la geeyay ciidamo burburin kara kooxda TPLF, oo dagaal kula jirtay tan iyo bishii Nofeembar 2020

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More