Browsing Category

Somalia

Somalia | Wararka Maanta | Somali Latest Breaking News and the expert analysts you can trust.

Muxuu yahay walaaca Qaramada midoobay ka qabto Bangiyada

Guddi ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa sheegay, in Al Shabab ay malaayiin doolar ka hesho canshuuraha ayna dhaqaalahaas ku kaydsadaan  bangiyada maxalliga ah, sida laga soo xigtay warbixin cusub oo kasoo baxday Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay. Guddi khubaro ka socda Golaha Amniga oo dusha kala socda arrimaha Soomaaliya ayaa soo saaray warbixintaan, oo aan weli bulshada loo soo bandhigin, balse New York Times ay heshay nuqul kamid ah. Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay…

Ganacsatadda Turkiga oo ka digtay dhibaatada ka dhalanka

Dalxiisayaal ka dukaameysanaya suuq ku yaal Bodrum, Turkey 15-kii Sebtember, 2017 . Kooxaha hormoodka ka ah ganacsiga Turkiga ayaa ugu baaqeen Sacuudiga inuu joojiyo dhabar jabinta alaabada ay soo galayaan boqortooyada, iyagoo ka digay in ay taasi dhaawaceyso dhaqaalaha Turkiga iyo kan Sacuudiga. Bayaan ay soo saareen, hogaamiyayaasha sideeda koox ee ugu waaweyn ee ganacsiga ee Turkiga ayaa sheegay in shirkadaha Sacuudiga ay sheegeen in laga codsaday dalkooda in ay saxiixaan…

“September 2012-kii Koofurta & Bartamaha in ka badan 85%

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii 8-aad ee JFS Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay maalinta calanka Soomaaliyeed ee 12-ka Oktoobar oo maanta ku beegan ayaa sheegay dhibaatooyinkii loosoo maray. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in halgan dheer loosoo maray helitaanka calanka Soomaaliya oo maanta laga joogo 66-sano markii lasoo bannaan-bixiyay, isaga oo dib u xusuustay dhacdooyinkii uu waaya-joogga u ahaa. “AUN Halgame Maxamed Cawaale Liibaan…

Buurta ugu dheer Afrika oo dab ka kacay! – AxadleTM

Buurta ugu dheer ee Qaaradda Afrika (Kilimanjaro) ee Dalka Tanzania waxaa ka kacay dab ay sheegeen dadka kunool agagaarka Buurtaas in uu ku dhaliyay welwel nafeed, maadaama ay suuragal tahay in uu gaaro deegaanno horleh. Waaxda Beeraha lagu nasto Tanzania ee lagu magacaabo (Tanapa) ayaa sheegtay in uu socdo dadaal lagu daminayo dabkaas, si uusan saameyn taban ugu yeelan bilicda buurta oo ah meel loo dalxiis tago. Holaca dabka & Uurada cirka isku shareertay ayaa laga arkayaa…

Ciidamada DFS oo howlgal ka sameeyay Degmada Baladxaawo. –

Ciidamada ammaanka DFS ayaa howlgal ka sameeyay Degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo, kadib markii ay heleen macluumaad dhanka amniga ah, waxa ay xireen waddooyinka degmada inta howlgalkooda uu socday. Askarta ayaa galay meelo gaar ah oo bartilmaameedka howlgalku ahaa, waxa ay baaris kula dhaqaaqeen Gaadiidka nuucyadiisa kala duwan & Dadka la socda sida Goobjoogayaal la hadlay Axadle ay xaqiijiyeen. Cabdulqaadir Xuseen Ibraahim taliyaha Nabadsugidda Degmada Baladxaawo oo…

Soo bannaan-bixinta Calanka Soomaaliya oo maanta laga joogo

Calanka Soomaaliya Calanka Soomaaliya waxaa la alifay 12-kii Oktoobar 1952-tii maanta oo kale, dood & falanqeyn labo sanno ah ayuu soo maray, waxaana ugu dambeyn la shaaciyay 1954-tii, waana markii lagu arkay isaga oo dul babanaya Fiisho Gufeerno (Aqalka Dowladda Hoose). Helistaanka Calanka waxa ay kusoo aaday tobankii sano ee madax bannaanida Soomaaliya laga shaqeynayay, maadaama la doonayay in Jamhuuriyadda Soomaaliya xorriyad uu siiyo Gumeystihii Talyaaniga oo koofurta…

Xeer Ilaaliyaha Jubbaland oo ka digay fal dambiyeed ka

Xeer ilaaliyaha guud ee DG Jubbaland Maxamed Sheekh Cismaan ayaa war kasoo saaray fal dambiyeed ka dhalan kara shaqsiyaadka loo xiro kiis dacweedyada kala duwan ee tuhunka ah, kuwaas oo ku jira xarumaha baarista ciidanka ammaanka. Waxa uu Digniin u diray Ciidamada Booliiska & Nabadsugidda Maamulkaas ee inta badan gacanta ku dhiga kiisaska dadka la tuhmayo ee lagu soo qabto howlgalada kala duwan ay sameeyaan. “Ciidanka Booliiska & kuwa dambi baarista ayaa xorriyadda ka…

Kenya oo sheegtay in haddii Soomaaliya ay fuliso shuruudda

Dowladda Kenya ayaa qorshe u dajisay bixitaanka Ciidankeeda ku jira howlgalka Ururka Midowga Afrika ee loosoo gaabiyo AMISOM, si loo dajiyo qorshe ciidan oo lagu sugayo ammaanka dalkaas & Soomaaliya. Monica Juma Wasiirka Gaashaandhigga Kenya oo la hadashay Wargeyska Daily Nation ayaa sheegtay in uu jiro qorshe ciidan oo ku saabsan howlgalka Midowga Afrika ee ka socda Soomaaliya. Marwa Juma ayaa sheegtay in Qaramada Midoobay ay qorsheysay bixitaanka Ciidamada Midowga Afrika,…

Dagaalyahannada Ciraaq ‘waxa ay ku heshiiyeen xabbad-joojin

Mohi wuxuu sheegay in gantaalada lagu garaacayo ciidamada Mareykanka iyo xarumaha diblumaasiyadeed ay aheyd kaliya 'fariin ah in aadan ku soo dhaweyn doonin dalka' Kooxo hubaysan oo reer Ciraaq ah oo ay taageerto Iraan ayaa isku raacay in la joojiyo weerarada ka dhanka ah ciidamada Mareykanka iyagoo shuruud ku xiray in dowlada Ciraaq ay soo bandhigto jadwalka ka bixitaanka ciidamada Mareykanka, sida uu sheegay mid ka mid ah kooxahaasi. “Jabhaduhu waxa ay soo bandhigeen xabad…

Booqasho uu RW Rooble ku tagay isbitaalo oo loo xiray

Ra'iisul wasaaraha Xukumada Faderaalka,Wasiirka Caafimaadka Marwo Fowzia Abiikar Noor iyo agaasimaha Isbitaalka Martiini Dr Cabdirisaaq Jalaalu-diin. Ra’iisul wasaaraha Xukumada Faderaalka Soomaaliya Maxmed Xuseen Rooble oo Axada maanta ah booqday qaar ka mid ah Isbitaaladda Caasimadda ayaa loo xiray wadooyinka ugu muhiimsan magaaladda hogaamiyayaasha wadanka ee Muqdisho. Mr Rooble ayaa la sheegay in uu u kuurgalayey adeegyada caafimaad ee ay u fidiyaan bulshada Soomaaliyeed…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More