Browsing Category

Somalia

Somalia | Wararka Maanta | Somali Latest Breaking News and the expert analysts you can trust.

Laba cashar oo muhiim ah oo aan ka baranay doorashadii Aqalk…

Muqdisho (Axadle) – Doorashada Soomaaliya ayaa shalay si rasmi ah uga billaabatay magaalada Kismaayo oo lagu doortay afartii senator ee ugu horreeyey ee Aqalka Sare ee baarlamanka Soomaaliya, ayada oo Jubaland ay noqotay maamulkii ugu horreyey ee meesha ka saaray shaki kasta oo ku saabsan in dalka ay doorsho ka dhici weyso. Doorashada Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, Iftin Xasan Baasto, Ilyaas Bedel Gaboose iyo Cabdirisaaq Maxamed Cusmaan,…

Xog: FAHAD YAASIIN oo xil cusub u magacaabay Kulane – Caasim…

Muqdisho (Axadle) – Taliyaha nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa xil cusub u magacaabay Cabdullaahi Aadan Kulane oo dhowaan uu xilka ka qaaday ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, sida ay ogaatay Axadle. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Axadle u sheegay in Fahad Yaasiin uu Cabdullaahi Aadan Kulane oo hore u ahaa madaxii shaqaalaha NISA u magacaabay kaaliyaha dhanka siyaasadda iyo amniga ee hay’addaasi.…

Guddiga doorashada heer federal oo war kasoo saaray doorasha…

Muqdisho (Axadle) – Guddoomiyaha Gudiga doorashada heer federaal, Maxamed Xasan Cirro ayaa ka hadlay doorashadii shalay ka dhacday magaalada Kismaayo ee dowlad goboleedka Jubbaland, taasi oo lagu doortay Afar kamid ah Senator-da maamulkaas ee Aqalka Sare. Guddoomiye Maxamed Cirro oo la hadlay VOA-da ayaa bogaadiyey hanaankii ay u dhacday doorashadaas, isagoona ku tilmaamay “doorasho cajiib ah oo waqti kooban ku qabsoomtay”. “Meesha dadaal badan…

Sidee laba dowladood oo carbeed uga shaqeeyeen afgambiga dal…

Tunis (Axadle) – Ra’isul Wasaaraha xilka ka dagaya ee dalka Tunisia Hichem Mechichi ayaa lagu weeraray xarunta madaxtooyada habeenimadii Axadda kahor inta uusan aqbalin inuu iska casilo xilkiisa sida ay ilo wareedyo ku dhow u sheegeyn Middle East Eye. Nooca dhaawaca ah ee soo gaaray ayaa ah mid aan la xaqiijin karin maadaama aan weli Ra’isul Wasaaraha la weeraray lagu arkin fagaaraha. Middle East Eye ayaa fahamsan in dhaawaca soo gaaray 47 jirkaan…

Barakac ka socda gobollada Amhara iyo Tigray ee Ethiopia iyo…

Addis Ababa (Axadle) – Ilaa 5 kun oo qaxooti Ethiopian ah ayaa la filayaa in maalmaha soo socda ay ka gudbaan xadka Sudan, sida uu sarkaal ka tirsan dowladda Sudan u sheegay wakaaladda wararka AFP. Tani ayaa ah mowjaddii ugu danbeysay ee dadka isaga cararaya colaadda ka socota gobollada Tigray iyo Amhara ee dalka Itoobiya, kuwaas oo kasii daray toddobaadyadii tagay. Horraantii…

Yaa doorashada madaxweyne ku tashanaya codadka afarta Senato…

Kismaayo (Axadle) – Afarta Senetor ee ugu horreeyey xubnaha Aqalka sare ee maanta lagu doortay magaalada Kismaayo, ayada oo doorashadoodu ay durba billow u noqotay loolanka doorashada madaxweynaha ayada oo muujisay cidda ku xisaabtami doonta codadkooda. Inkasta oo ay tartameen Senatarro, haddana waxaa si dadban sidoo kale u tartamayey musharaxiinta madaxweynaha oo mid kasta dagaal uu ugu jiro inuu soo saarto xildhibaano codadka siiya. Laba ka mid…

Sawirro: Rooble iyo Boris Johnson oo saddex qodob oo muhiim …

London (Axadle) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, oo boooqasho ku jooga magaalada London ayaa caawa la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Britain Boris Johnson, oo ay ka wada hadleen saddex qodob. Rooble ayaa qoraal kooban oo uu soo saaray ku yiri “Waxaan London kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Britain Boris Johnson oo dowladdiisu marti gelisay Shirka caalamiga ah ee horumarinta Waxbarashada.” Rooble ayaa sheegay inuu Johnson kala hadlay…

Laba Senator oo kuraastoodii ku lumiyey khilaafkii Axmed Mad…

Muqdisho (Axadle) – Khilaafkii adkaa ee mudada badan ka dhex aloosna dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland ayaa horseeday in laba ka mid ah xildhibaanada Aqalka Sare ay lumiyaan kuraastooda. Senotor Axmed Xaashi Maxamuud iyo Senator Faadumo Xassan Adam (Gariyow), oo deegaan doorashadoodu tahay Jubaland ayaa si rasmi ah maanta u waayey kuraastooda kadib markii laga waayey liiskii uu 27-kii bishaan soo gudbiyey Axmed Madoobe, ee maanta Kismaayo lagu doortay Axmed Xaashi iyo Faadumo Gariyow oo ayagu ku kala…

Muxuu ka yiri Xasan Sheekh doorashadii Kismaayo

Muqdisho (Axadle) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay doorashadii maanta ka dhacday magaalada Kismaayo ee lagu doortay Afar kamid ah Senator-da ay Jubbaland ku leedahay Aqalka Sare, isagoona ugu baaqay dowlad goboleedyada kale inay sida ugu dhaqsaha badan u qabtaan doorashooyinka. Xasan Sheekh ayaa ugu horeyntii si weyn u bogaadiyay madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Madoobe iyo ku-xigeenkiisa, maadama ay noqdeen dowlad goboleedkii u horeeyay ee billaabay hirgelinta doorashada…

Muxuu Rooble kala hadlay xoghayaha arrimaha dibedda…

London (Axadle) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa magaalada London ee Caasimada Britain ayaa maanta kulan xasaasi ah la qaatay Xoghayaha arimaha dibadda ee dalkaas, Dominic Raab. Kulanka ayaa waxaa looga wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal, arrimaha amniga iyo xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha. Rooble ayaa sidoo kale kala hadlay xoghayaha Britain la dagaalanka argagixisada iyo…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish.AcceptRead More