Maxay ka wada hadleen Axmed Madoobe iyo Danjire Swan?

Magaalada Muqdisho, Hogaamiyaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe iyo Danjiraha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan waxay ku yeesheen kulan dheer oo ay uga wada hadlayeen ka gudubka caqabadihii keenay kala taggii shirkii Dhuusamareeb ee ugu dambeeyay (4).

Swan oo safka hore kaga jira isku soo dhaweynta Dowlada Federaalka & Dowlad Goboleedyada waqtigooda sii dhamaanayo ayaa doonaya in shirku uu ka duwanaado shirarkii hore ee lagu kala qeybsanaa ee ugu yaraan lagu saxiixo heshiis ay wada gaareen Gudiga Farsamada Faderaalka, DG & Gobolka Banaadir ee ka dhacay magaalada Baydhabo. 15 & 16ka Febraayo 2021.

Cabashadii hore ee ugu weyneyd ee ka jirtay gobolka Gedo ciidamada dowladda ee la geeyay gobolka iyo saraakiisha Degmada ayaa hadda ku sugan magaaladoodii.

Qeyla dhaanta Hogaamiyaha waqtigiisa dhamaaday iyo Doodda Axmed Madoobe ee ahayd in Gobolka Gedo lagu daadgureeyo Ciidamada Cirka ayaa keentay in lagu kala tago Shirka Dhuusamareeb (4).

5-tii Feberaayo 2021, Hogaamiye Axmed Madoobe oo saxaafadda kula hadlay magaalada Dhuusomareeb ayaa ku eedeeyay Hogaamiyaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inuu heshiis la galay maamul ka kooban 16 kursi oo ka tirsan Gobolka Gedo.

6-dii Febaraayo 2021, Hogaamiyaha Soomaaliya oo khudbad ka horjeediyay Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (FRS) ayaa sheegay in wadahadalladii u dhexeeyay maamul gobolleedyada Puntland iyo Jubbaland ay fashilmeen isla markaana ay caqabad ku yihiin hannaanka doorashada.

Hadalada xanafta leh waxay wiiqeen kalsoonidii lagu qabay madaxtooyada Soomaaliya, maamul gobaleedyada Jubbaland iyo Puntland kadib weerarkii lagu qaaday labadii madaxweyne ee kahoreeyay Farmaajo iyo isu soo bax musharixiin oo 19-kii Febraayo 2021 ay sameeyeen ciidamada uu tababaray Turkiga.

Qoraal la soo dhigay bogga Madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu sheegay in Axmed Madoobe iyo Danjire Swan ay ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka, waxaana xusid mudan in Swan oo maanka ku haya casharradii laga bartay shirarkii hore uu doonayo inuu xalliyo xiisadda siyaasadeed.

Axadle

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More