Lafta gareen oo Muqdisho u yimid ka qaybgalka

Madaxweynaha DG Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa maanta oo Axad ah soo gaaray Magaalada Muqdisho si uu uga qaybgalo Shirka looga hadlayo arrimaha Doorashooyina Dalka ee lagu wado in uu ka dhaco Caasimadda 22-ka Maarso 2021 oo ku beegan berri oo isniinta ah.

- Advertisement -

Waa mas’uuliyiiinkii ugu dambeeyay ee caasimadda soo gaaro Madaxda Federaalka & Dowlad Goboleedyada, waxa uu ku maqnaa Dalka Turkiga oo uu u jiray arrimo gaar ah sida Mustaqbal ay u xaqiijiyeen ilo kala duwan.

Muqdisho waxaa ku sugan Madaxda Federaalka sida Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta, Madax Goboleedyada Hir-Shabeelle, Galmudug, Puntland, Jubbaland Koofur Galbeed oo maanta yimid.

Maanta ilaa caawa waxaa lagu wadaa in Muqdisho ay martigeliso kulamo gaar-gaar ah oo looga hadlayo Shirka gar-wadeynka ka tahay Beesha Caalamka ee looga hadlayo sidii ficil loogu rogi lahaa heshiiskii 17-kii September 2020 madaxdaan ku saxiixeen Gobolka Banaadir.

Kulamada xooggooda ayaa labo dhinac kala ah: Dhan waxaa ku shiraya Madaxda Dowladda Federaalka & Saaxiib Goboleedyada Hir-Shabeelle, Galmudug & Koofur Galbeed, halka dhanka kale wadatashi ay wadaan Madaxweynayaasha DG Puntland & Jubbaland.

Labada dhinac waxaa fadhiyadooda dhadhan u yeelaya Siyaasiyiin aan ka baxsaneen xeen-daabka oo fursado ka dhex arkaday, waana tan keentay in kulamada ay ka ballaartaan sidii la arki jiray marka la isugu tago fadhiyada lagu garramayo.

Beesha Caalamka ayaa ku guuleysatay wajiga hore ee qorshaheeda isu keenidda Madaxda federaalka ee muddo xileedkoodu dhammaaday & kuwa Dowlad-Goboleedyada, kadib shuruudo kala duwan ay is hor dhigeen.

Wakiilada Beesha Caalamka oo ay ugu dhaqdhaqaaq badan yihiin James Swan wakiilka Xoghyaha guud Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya & Danjiraha Mareykanka Donald Yamamota waxaana lagu wadaa in kulanka 22-ka Maarso 2021 lagu ballansan yahay lagu saxiixo heshiiska Guddiga ee farasmo federaalka, Dowlad-Goboleedyada & Gobolka Banaadir Baydhabo ku gaareen 15-ka & 16-ka Febaraayo 2021.

Mustaqbal

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More