HESHIIS DHAN: Barcelona Oo Koox Weyn Oo Premier

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo warramayaa inay meel saartay oo ay isku hubsatay saxeexa khadka dhexe ee kooxda Liverpool ee Gini Wijnaldum oo si weyn loola xidhiidhinayay soo xerogalintiisa ilaa suuqii xagaagii 2020.

- Advertisement -

Wijnaldum ayaa sida ay wararku sheegayaan go’aansaday inuu iskaga tago Liverpool, wargeyska Sunday Times ayaa xusaya inuu xiddiga Dutch-ka ahi heshiiska shaqsiga ah la meel dhigay Barcelona isla markaana noqon doono saxeexa ugu horreeya ee madaxweyne Joan Laporta.

Heshiiska uu Gini hadda ku joogo Liverpool ayaa ah mid dhacaya dhammaadka xilli ciyaareedkan taas oo ka dhigan inuu qaab xor ah ugu wareegayo Camp Nou.

Inuu soo xoojiyo khadka dhexe ayaa muhiimada koowaad u ah tababare Koeman iyadoo kooxdu suuqii sanadkii hore gacmaha ka xidhnayd sababo la xidhiidha dhaqaale xumo ku dhacday sidaas darteedna u awoodi waysay inay saxeexyo badan samayso.

Heshiiska ay Barcelona ugu dhaqaaqday Wijnaldum ayaa ah mid uu faray tababare Koeman kaas oo si fiican u garanaya ciyaaryahanka oo ay wakhti fiican kusoo wada qaateen xulka qaranka Netherlands.

Horraantii xilli ciyaareedkan ayay ahayd markii tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp oo wax laga weydiiyay mustaqbalka Gini uu sheegay inuu jeclaan lahaa inuu lasii joogo isla markaana uu yahay mid markasta si fiican uga ciyaara boosas kala duwan.

Sidoo kale Wijnaldum ayaa dhawaan shaaca ka qaaday sida uu u jecel yahay inuu u ciyaaro Liverpool iyo inay ku adkaan doonto haddiiba uu baxo taas oo keentay in loo micnaysto inuu sababo dhaqaale uga tagayo haddiiba uu ka tago.

“Dhab ahaantii way adagtahay, haddii ay dhacdo waxaad ka tagaysaa koox aad dhab ahaan jeceshahay, koox aad sanado badan lasoo wadaagtay sanado badan, koox aad dhab ahaan raaxo ku dareemaysay” ayuu yidhi Wijnaldum.

 

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More