HORDHAC: Actual Sociedad vs Barcelona – Barca Oo

Barcelona ayaa isku dayaysa inay gaadho guusheedii shanaad ee xidhiidh ah tartamada oo dhan marka ay caawa gegida Anoeta ku booqanayso kooxda Real Sociedad.

- Advertisement -

Barcelona ayaa hadda booska saddexaad ka joogta miiska kala sarreynta horyaalka La Liga waxaana ay hal dhibic ka dambaysaa Real Madrid oo xalay guul gaadhay iyo Atletico Madrid oo caawa ciyaaraysa isla markaana afar dhibcood ka sarreysa iyaga.

WARARKA LABADA KOOXOOD EE KULANKA KAHOR

Real Sociedad ayay markale ka maqnaanayaan Luca Sangalli, Miguel Moya, Joseba Zaldua iyo Elustondo oo dhammaantood dhaawacyo qaba, Nacho Monreal, David Silva, Zubimendi iyo Carlos Fernandez ayaa iyaguna ah kuwo shaki ku jiro taam ahaanshahooga.

Dhinaca Barcelona waxa wali maqan Ansu Fati, Philippe Coutinho, Gerard Pique iyo Sergi Roberto oo dhaawacyo qaba halka Ronald Araujo uu keydka kusoo laabtay kulankii Huesca uu diyaar yahay.

Haddiiba uu tababare Ronald Koeman uu markale doorto inuu saddex daafac dhexe ku ciyaaro ayay u badantahay in Frankie De Jong uu daafaca dhexe kula bilaaban doono Clement Lenglet iyo Mingueza.

SHAXDA MACQUULKA AH EE LABADA KOOXOOD

Real Sociedad: Remiro; Gorosabel, Zubeldia, Le Normand, Monreal; D Silva, Illarramendi, Merino; Portu, Isak, Oyarzabal

Barcelona: Ter Stegen; Mingueza, Lenglet, De Jong; Dest, Busquets, Pedri, Alba; Dembele, Messi, Griezmann

XOGTA KULANKA

Tartanka: La Liga

Garoonka: Anoeta Stadium

Wakhtiga: 11:00 habeenimo xilliga geeska Africa

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More