Kenya waxay sheegtay inay hawlgal ku dishay saraakiil
Askar ka socota Ciidanka Difaaca Kenya (KDF) ayaa tagay Suuqa laga dukaameysto ee Westgate ee ku yaal caasimada Nairobi 22-kii Sebtember, 2013.
Saraakiisha Ciidamada Difaaca Kenya [KDF] waxaa la toogtay oo ladilay afar qof oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-shabaabkii hubeysnaa ee weeraray keynta Boni ee ku taal Lamu, sida ay tabisay warbaahinta maxaliga ah ee ka howlgasha Kenya
Subaxnimadii 27-kii Diseembar, 2020, askartu waxay weerareen “gabboodkii Al Shabaab”.
Howlgalkan ayaa yimid iyadoo ay sii kordheyso cabsida laga qabo in Al Shabaab ay weeraro ka geystaan ismaamulka inta lagu gudajiro ciidaha Masiixiyiinta.
Sida laga soo xigtay warbaahinta, hal tuhmane ayay boolisku xireen wuxuuna ku sii jiri doonaa xabsiga si su’aalo loo waydiiyo.
Saraakiisha ayaa sidoo kale helay qalab isgaarsiineed iyo shixnad weyn oo ay lahaayeen maleeshiyada intii uu socday howlgalka, sida ay qortay warbaahinta.
Howlgalkan ay fuliyeen askarta KDF ayaa lagu soo waramayaa inuu ahaa mid abaabulnaa kadib markii Al Shabaab 21kii Disember, 2020, afduubeen oo dileen sarkaal ka tirsan maamulka Wajeer.
Cumar Aadan Buul, oo ah ku-xigeenka madaxa degmada Gumarey ee ismaamulka Wajeer, ayaa “si arxan daro ah loo dilay madaxiisana waxaa la dhigay waddo dhinaceeda”.
Al Shabaab ayaan ka hadlin sheegashada Kenya ee ah inay toogasho ku dishay dagaalyahan xiriir la leh Al Qaacida.
Amni darrada ka jirta waqooyi bari Kenya iyo Waqooyiga Lamu oo xuduud la leh Soomaaliya ayaa sii xoogeystay muddooyinkii ugu dambeeyay.
Bishii Diseembar 15-keedii, ciidammada looga shakisanyahay in mas’uuliyiinta lagu soo weeraray nabadgelyada daarta 11, ayaa qarxisay saldhiggooda bilayska ee dhowaan la dhisay.