Itoobiya: Masar iyo Suudaan ayaa xanibay wadahadaladii biyaha wabiga

Dowladda Itoobiya ayaa ku eedeysay Masar iyo Suudaan inay carqaladeeyeen wadahadaladii la doonayay in lagu xaliyo khilaafka webiga Niil.

Wadahadaladii ugu dambeeyay ayaa ku fashilmay eedeymo midba midka kale u jeedinayay waxaana wadahadalada lagu qabtay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ku sheegtay in wadahadalka uu fashilmay kadib markii Masar iyo Suudaan ay ku dhegeen arrimo muran dhaliyay oo ku saabsan saamiga biyaha Niilka.

Itoobiya waxay leedahay “labada dalba waxay qaadeen talaabooyin ay kaga hortagayaan geedi socodka gorgortanka Midowga Afrika”.

Dhanka kale, wasiirka arrimaha dibadda Suudaan Itoobiya wuxuu u hanjabay dadka ku nool wabiga Niil, gaar ahaan dadka reer Suudaan.

Muranka khilaafka ayaa ah qorshayaal biyo xidheenka looga buuxinayo wadamada Masar iyo Suudaan iyadoo laga cabsi qabo in mashruucani awood u siiyo Itoobiya inay wax ka qabato wabiga ugu dheer qaarada Afrika.

Markii la dhammeeyo, biyo-xireenka Grand Renaissance Dam, oo ay dhistay Itoobiya, wuxuu noqonayaa warshadda ugu weyn Afrika ee laga dhaliyo tamarta korantada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More