FIQI oo xiriiriyey cafiska loo fidiyey Janan iyo garsoorka loo doonto Al-Shabaab

Dhuusamareeb (Axadle) – Wasirka amniga dowlad goboleeedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa dowladda Federaalka ku eedeeyay sababta loogu cadaalad doonto dagaalyahanada Al-Shabaab, wuxuuna si gaar ah u xusay waaxda garsorka.

Axmed Macalin Fiqi ayaa tusaale usoo qaatay dacwadii la joojiyay wasiirkii hore amniga Jubaland Cabdirashiid Janan kaas oo dacwadiisa ay soo xireen xeer ilaalinta iyo makamadda gobolka Banaadir oo wadajir ah.

Janan oo dhawaan isku soo dhiibay dowladda Federaalka ah ayaa gal dacwadeedkiisii la laabay, wuxuuna Fiqi sheegay in garsoorka Soomaaliya oo liita darteed ay dhacdo in loo cadaalad doontay Al-Shabaab.

“Waa sababta dadweynaha ay safafka dhaadheer ugu jiraan maxkamadaha kooxda argagixisada, waana nasiib darro,” ayuu yiri Axmed Fiqi oo soo qaatay waraaqahii kasoo baxay xeer ilaalinta iyo maxkamadda gobolka banaadir.

Arintaan waxey timid kadib markii dowladda Federaalka ay heshiis la gaartay C/rashiid Janan kaas oo xil ka qaadis lagu sameeyay, waxaana lagu soo dhaweeyay magaalada Baladxaawo ee gobolka Gedo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More