Hay’adaha ammaanka Puntland oo baaris ku bilaabay hub laga

War kasoo baxay Ciidamada ammaanka DG Puntland ayaa lagu xaqiijiyay in ciidanku gacanta ku dhigay hub si sharci darro ah looga keenay dalka oo qaab qarsoodi ah lagu doonayay in lagu geliyo deegaannada maamulkaas.

Ciidanka PSF-ta ayaa sheegay howlgal dhanka badda ah oo ay ka fuliyeen xeebaha Laasqoray,Ceelaayo & Cadcado ay kusoo qabteen hubkaan oo aysan sheegin inta uu gaarsiisan yahay, nuucyadiisa iyo ujeedka laga lahaa.

Baaris ayay sheegeen laamaha ammanka in ay ku hayaan shaqsiyaadka ay kusoo qabteen oo aysan soo gudbin tiradooda, balse ay shaaciyeen in ay soo bandhigayaan marka su’aalo weydiintooda ka dhameystaan.

“Ciidanka PSF waxa ay hawlgal dhanka badda ah ka fuliyeen xeebaha Laasqoray,Ceelaayo iyo Cadcado si ay uga hortagaan kooxo doonayay in ay hub si sharci darro ah uga soo dejiyaan xeebahaas oo ay ciidanka PSF heleen xogtooda” ayaa lagu yiri qoraal lasoo dhigay barta gaarka ah ee Ciidamada ammaanka DG Puntland.

Qoraalka ayaa lagu xaqiijiyay in doomaha lagu qabtay hubkaan sharci darrada ah laga leeyahay Dalka Yemen, inkasta oo aan lasii faah-faahin haddii ay yihiin kuwa sida joogta ah isaga kala gudba deegaannada maamulkaas iyo Yemen.

Axadle

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More