Xabsiyada Sacuudiga oo lagu dhibaateeyo Tarxiil sugayaal

Sacuudiga waxaa si joogta ah looga soo tarxiili jiray Tahriibayaal Afrikaan ah oo dalkaas ku galay qaab sharci darro ah, uguna shaqeysta, waxaana dabajooga Ciidamada ammaanka oo xarig iyo Tarxiil isugu dara marka ay qabtaan.

Dhalashada dadkaan waa Soomaali, Itoobiyaan, Eretariyaan iyo Yemeniyiin, inkasta oo ay jiraan shaqsiyaad kooban oo kasoo jeeda dalal ay kamid tahay Nigeria oo ku sugan Boqortooyada Sacuudiga.

Xayiraadda duullimaadyada iyo kala fogeynta dadka sabab ka dhalatay cudurka Covid-19 ayaa saameyn taban ku yeelatay maxaabiista ku xiran xabsiyada oo aan warba ka heyn xaaladda cudurka.

Dadka ayaa xabsiyada ugu jiro sidii hore, kala fogeyn iskaba dhaaf, xitaa ma helaan dhaqaatiirtii daweyn jirtay marka uu qof kamid ah xannuun qabto, sababtu waa in ay ka cabsadeen faafitaanka Cudurka Coronavirus.

Mid kamid ah Muwaadiniinta Itoobiyaanka ah oo la hadlay Wakaaladda Wararka Mareykanka ee loosoo gaabiyo AP ayaa ka sheekeeyay xaaladda aan wanaagsaneen ee nolosha xabsiga uu ku xiran yahay.

Magaciisa waala qariyay sabab dhanka amnigiisa, balse waxaa la daabacay xogta sheekada uu uga xog-warramay Wargeyska sida uu daabacay, waxaana uu u sheegay in dad ka badan 300-ruux ay ku xiran yihiin Xabsiga.

“Maalin waliba waa nala yeeriyaa, waana nala garaacaa, waxa aan ku xiranahay xabsi u dhaw Magaalada Riyaad caasimadda Sacuudiga, dad reer miyi ah oo xoolo dhaqato ah ayaa ila xiran, qashinka ayaan dul jiifanaa oo xabsiga lagama qaado, musqusha ayaan biyaha ka cabnaa, Rag, Dumar & Carruur waa loo siman yahay ciqaabta” Sidaasi waxaa yiri qofka magaciisa qariyay ee u xog-warramay Wakaaladda AP.

Warbixin cusub oo maanta oo jimca ah ay soo saartay Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa lagu qeexay dhibaatooyinka joogtada ah ee Sacuudiga ka dhaca gaar ahaan xabsiyada ay ku xiran yihiin kumanaanka naf raadiska ah u tagay dalkaas.

“Ciqaabta, xaaladda noleed ee liitada, cudurrada iyo dhibaatooyinka kale ayaa sababay in ay is dilid isu dayaan labo kamid ah Maxaabiista xiran, Haweenka uurka leh, dhallaanka waxaa lagu hayaa xabsiyada dadka waaweyn oo ciqaab wadareed ayay la qaataan waalidkooda” Sidaasi waxaa lagu yiri warka kasoo baxay Amnesty International.

Sacuudiga dad kooban oo Soomaali ah ayaa laga soo qaaday, wali waxaa xiran Soomaali kale oo aysan ogeyn mudddada ay xabsiga kusii jiriyaan, maadaama xaaladda xannuunka taagan tahay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More