Waare:Waxaan iska casilay xilkii Hogaamiyaha Dowladda HirShabelle

Warqad xalay xili dambe uu soosaaray Maxamed Cabdi Waare Madaxweynihii labaad ee taariikhda DG Hir-Shabeelle soo maray waxa uu ku caddeeyay in uu iska casilay xilka Madaxweyna.

Muddo xileedka Waare oo dhamaaday 17-kii Oktoobar 2020 ayaa kahor yimid howsha xulista Baarlamaanka labaad ee Hir-Shabeelle oo uu guda-galay guddi uu magacaabay balse markii uu jadwaleelay doorashada & xulista Xildhibaannada kahor yimid.

Waare ayaa maalmihii lasoo dhaafay ka caga-jiidayay dalabaad loo gudbiyay oo ahaa in uu ogolaado go’aanka guddiga, balse taa badalkeed waxa uu soosaaray liis kale, inkasta uusan joojin shaqada socota.

“Si waafaqsan Qododka 52-aad ee Dastuurka Ku meel gaarka ee Dowladda HirShabelle, waxaan iska casilay xilkii Hogaamiyaha Dowladda HirShabelle oo Xubin ka ah Dowladda Federalka Soomaaliya. Waxaan Shacabka HirShabelle iyo kan Soomaaliya u rajeeynayaa Guul iyo barwaaqo” Sidaasi waxaa yiri Maxamed Cabdi Waare.

Duubabka dhaqanka Hir-Shabeelle ayuu ku tilmaamay in nasiib darro ay ku qanceen habka loo maray soo xulista Baarlamaanka labaad ee DG Hir-Shabeelle, waxaana halkaas uu ka muujiyay in uu ka waayay Odoyaasha garab istaag.

“Haddaba, maadaama taladii aan soo jeediyay la aqbali waayay, iina muuqata in xaaladda Hir-Shabeelle wali sideedii tahay ama ka xun, dadkaas muhiim ah taladana wax ku lehna la qurxoonaatay sida uu wax u socdo, anigoo waliba ku daray samir & sugitaan badan, bal in ugu dambeyn ay wax is badaleen waxa aan go’aansaday in aan is casilo 2-da November 2020” ayuu sii raaciyay Maxamed Cabdi Waare.

Maxamed Cabdi Waare quus ka muujiyay in uu markale isu taago qabashada Hogaamiyaha Hir-Shabeelle, maadaama garabkiisa Sheekh Cismaan Barre Maxamed iskaba daayee in uu Guddoon u dartamo uu waayay xubinnimada Baarlamaanka labaad ee maamulkaas.

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More