“Siyaasad Qori ah waa laga yimid, waxa ay inoo joogtaa mid

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Finish ayaa sheegay in ay jiraan shaqsiyaad u daneynaya dalalka shisheeye Kenya oo DFS ay xiriirka u jartay.

Dibadbaxa ka dhacay shalay Muqdisho ayuu sheegay in ay kasoo horjeedaan go’aanka Dowladda Federaalka ay ka qaadatay faragelinta siyaasadeed ee dalalka kala duwan ay ku hayaan Soomaaliya balse Dowladdu ay iska gacan qabatay.

“Mar haddii dadkeena uu noqday ducafo jilicsan oo aan lahayn damiir adag, kuwo naga mid ah ayaa dibadbax bilaabay, Maanta mala arkay dhalinyaro Soomaaliyeed oo wajiga soo duubtay oo Daba-jeexyo heysta, waxaa dhibaaya go’aanka Dowladdu ka gaartay Kenya” Sidaasi waxaa yiri Duqa Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Finish ayaa muujiyay Cabsi xooggan oo la xiriirta dhibaatada la abuurayo, isaga oo Tusaale usoo qaatay waddooyin bilooyin kahor la dhigay oo lagu gubayo Taayiro.

“Siyaasaddu way is jiid-jiid badan tahay, waa laga gudbay hub oo waxa lagu tartamaa qallin oo qofka aad doonto dooratid, waxaa loo baahan yahay in dulqaad loo muujiyo Doorashada, maadaama aysan jirin cid garaneysa qofka ku guuleysaneysa, balse laga habboon yahay in aan lagu hanjabin qarax & dhibaato” Cumar Finish.

Muran ayaa hareeyay hab maamulka Doorashada, DG Jubbaland & Puntland ayaa shuruudo ku xiran soo gudbinta Guddiga ku metalaya, Musharixiinta ayaa saluugsan xubnaha qaar, halka Xukuumadda ay xareysay Guddi kala-dhiman.

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More