“September 2012-kii Koofurta & Bartamaha in ka badan 85%

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii 8-aad ee JFS

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay maalinta calanka Soomaaliyeed ee 12-ka Oktoobar oo maanta ku beegan ayaa sheegay dhibaatooyinkii loosoo maray.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in halgan dheer loosoo maray helitaanka calanka Soomaaliya oo maanta laga joogo 66-sano markii lasoo bannaan-bixiyay, isaga oo dib u xusuustay dhacdooyinkii uu waaya-joogga u ahaa.

“AUN Halgame Maxamed Cawaale Liibaan ayaa naqshadeeyay, calankeenu waxa uu leeyahay taariikh sida dadkeenu & Dalkeenu taariikho kala duwan u leeyihiin, waxaana nasoo marnay dhacdooyin kala duwan” sidaasi waxaa yiri Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii 8-aad ee Soomaaliya ayaa sheegay in Rag & Dumarba ay u dhiig baxeen una hureyn naftooda, isaga oo tusaale usoo qaatay Maxamed Cabdulle Xalane oo dhintay isagoo diidan in cadawga uu gacanta ku dhigo Calanka Soomaaliya.

Intaas kadib waxa uu Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu dib u milacsaday dhacdooyin uu la kowsaday markii loo doortay Hogaamiyaha Dowladda Federaalka sanadkii 2012-kii.

“Aniga Calanku waxa uu ii leeyahay xusuus gaar ah, 12-kii September 2012-kii Koofurta & Bartamaha Dalka in ka badan 85% kama taagneeen Calanka Soomaaliya, lagamana ogoleyn oo waxaa diidanaa nabad-diidka oo meel waliba suray calan madow oo ay leeyihiin” Sidaasi waxaa yiri Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Dadka qaar ayaa ku doodanaya in mudnaanta calanka Soomaaliya uu hoos usii dhacayo, maadaama nidaamka federaaka uu sababay in calamo gaar ah ay sameystaan Dowlad Goboleedyada.

Inta badan Calanka Soomaaliya waxaa waddooyinka iyo meelaha la isugu tago la suraa xiliyada la maamuusayo todobaadka xorriyada 26-ka Juun oo ah madax bannaanidii Gobollada Waqooyi & 1-da Luuliyo oo ah xornimadii Koofurta iyo israacii labada Gobo lee Koofurta iyo Waqooyiga oo halkaas ay ku dhalatay Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More